The Times: Askarta ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Putin ayaa diiday inay ka dagaalamaan Ukraine

0
516

Wargeyska Ingiriiska ee “The Times” ayaa sheegay in askarta Ilaalada Qaranka ee Ruushka oo inta badan loo yaqaanno ciidamada gaarka ah ee Putin, ay diideen inay ka dagaalamaan Ukraine, sida uu sheegay madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha “Agora” Prussia Tashiifoof Yaafiil.

Tashiifoof waxa uu sheegay in daraasiin askar ah ay ku doodeen in qandaraaskoodu uu khuseeyay dhulka Ruushka oo keliya, isla markaana aanay jirin wax sharci ah oo sheegaya in loo diro Ukraine.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in dhammaan askartaasi ay ka soo jeedaan magaalada Krasnodar  ee koonfurta Ruushka, waxaana tobabar loogu qaaday Crimea lixdii bishii February ee la soo dhaafay ciidankaan ayaa gaaraya 350,000 oo askari waxaana loo yaqaanaa ciidamada gaarka ah ee Putin.

“Midkoodna ma haysan baasaboor ajnabi ah, mana jirin wax niyad ah oo uu kaga tagayo dhulka Ruushka, halka waajibaadkooda rasmiga ah ku koobnaayeen dhulka Federaalka Ruushka,” baafiil ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay Telegramka. “Mid ka mid ah dacwoodayaasha looma sheegin Hawlgalka dhulka Ukraine si ay uga qeybqaataan howlgalka Looma sheegin hawlaha ku lugta leh hawlgalkan, taas awgeedna ma aysan aqbalin.”

baafiil ayaa sheegay in 12 askari oo uu hogaaminayay Captan Fred Chetav ay diideen inay u safraan Ukraine 25-kii February, maalin kadib duulaankii. Ukraine.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in aysan aheyn markii ugu horeysay ee lagu eedeeyo Ruushka in uu isku dayayo in uu askar ku qasbo inay ka dagaalamaan Ukraine.

Guddiga Hooyooyinka Askarta Ruushka, oo ah koox u doodo, ayaa soo saartay walaac ku saabsan ku qasbidda askarta si ay u saxiixaan qandaraasyada xuduudka, kaas oo ahdhaqanka Ruushka ee Ukraine loo isticmaalay 2014.

Shaqaalaysiinta waxaa loo diri karaa oo kaliya shaqo firfircoon ka dib marka la saxiixo qandaraaska saddex bilood ee tobabarka bilowga yahay. Waxaa la sheegay in muddo bilo ah ay qaadaneyso in askariga laga soo wareejiyo shaqada qandaraaska, balse saraakiisha ayaa la sheegay in ay dardar gelinayaan.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY