Erdogan: Turkiga Iyo Israa’iil Waxay Iska Kaashan Doonaan Dhinaca Gaaska, Bennett Waxaa Laga Yaabaa Inuu Booqdo Ankara

0
561

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay maanta oo jimco ah in iskaashiga dhinaca gaaska dabiiciga ah uu ka mid yahay tallaabooyinka ugu muhiimsan ee Turkiga iyo Israa’iil ay qaadi karaan, iyada oo la isku dayayo in la hagaajiyo xiriirka labada dhinac isagoo intaa ku daray in Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennett laga yaabo inuu booqdo Turkiga.
Horaantii bishan, Erdogan waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in booqashada Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ee Turkiga ay wax ka beddeli doonto xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, isla markaana Ankara ay diyaar u tahay in ay iska kaashadaan dhanka tamarta.
Erdogan ayaa u sheegay warfidiyeenka warkaan xilli uu kaa soo laabtay shirka NATO ee shalay ka dhacay Brussels, in Bennett, sidoo kale, laga yaabo inuu yimaado Turkiga lagana yaabo inay fursad u tahay waa cusub u bilowda xiriirka Turkiga iyo Israel.
“Waxaan qabaa in Gaaska Dabiiciga ah uu yahay mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee aan wadi qaadi karno si aan u sameyno xiriir laba geesood ah oo ay yeeshaan labada wadan ” ,ayuu hadalkiisa ku daray isagoo xusay in faahfaahinta iskaashiga ay gadaal ka hadli doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee labada wadan iyo kuwa tamarta.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Ankara kala hadlay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog – oo booqasho rasmi ah oo noociisa ah ku tagay dalka Turkiga muddo 14 sano ah, xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tamarta iyo difaaca.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magaalada Ankara ku qaabilay 9-kii bishaan Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog oo booqasho rasmi ah ah ku tagay dalka Turkiga muddo 14 sano ah ka dib iyaga oo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tamarta iyo difaaca.
Wadahadalladii ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee caasimadda Turkiga ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta faylka Ukraine eeRuushka, faylka bari ee Mediterranean-ka, iyo mashruuca lagu fidinayo dhuumaha gaaska ee Israel ilaa Yurub iyada oo loo marayo dhulka Turkiga.
Erdogan waxa uu sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay wada-hadallada kaddib in hagaajinta xiriirka Turkiga iyo Israa’iil ay aad muhiim ugu tahay fidinta xasilloonida iyo nabadda gobolka, isagoo intaa ku daray inuu rumeysanyahay in “booqashada taariikhiga ah” ee madaxweynaha Israa’iil ay noqon doonto isbeddel cusub ee barta xiriirka labada dhinac.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Herzog u sheegay in labada dhinac ay awood iyo aqoon u leeyihiin inay iska kaashadaan dhinacyada tamarta, dhaqaalaha iyo difaaca, isaga oo soo hadal qaaday booqasho “aad u muhiim ah” oo uu ku tagay Israa’iil Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga ayaa si cad u sheegay in dhigiisa Israa’iil uu u xaqiijiyay muhiimada ay leedahay in la xaliyo labada dowladood, isagoo xusay in arrinta Falastiin ay ka mid tahay qodobada ugu muhiimsan ee wada hadalada.
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in uu Herzog u sheegay in Turkigu uu xasaasiyad ka qabo siyaasadda Israa’iil ee ku wajahan Falastiin iyo maqaamka taariikhiga ah ee Qudus.
Dhinaca dhaqaalaha, madaxweynaha Turkiga waxa uu sheegay in xadiga isdhaafsiga ganacsi ee u dhexeeya dalkiisa iyo Israa’iil uu sannadkii hore kor u kacay 36% oo uu gaaray $8.5 bilyan, isagoo kalsooni ka muujiyay in qiimihiisu kor u kaco oo uu gaaro $10 bilyan.
Dhanka kale, Herzog ayaa xiligaas carabka ku adkeeyay inuu aaminsanyahay in xiriirka Turkiga uu ku salaysnaan doono “ixtiraam labada dhinac ah” isagoo xusay in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu bisha soo socota ee April booqan doono Israa’iil.
Bilowgii booqashadiisa uu ku tagay Turkiga ayaa qaadatay laba maalmood, Herzog ayaa booqday qabriga madaxweynihii hore ee Turkiga Mustafa Kemal Ataturk, waxa uuna la kulmay wakiillo ka socday bulshada Yahuudda ee Turkiga.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, xiriirka labada dal waxa uu soo maray horumar hoos u dhac ah waxaana soo noqnoqday eedeymo isdaba joog ah oo ay Israa’iil ku eedeysay Turkiga inuu taageero ururka Xamaas.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY