Saraakiishii Al-shabaab Oo Kala Shakisan & Ammar Uu Bixiyey Cali Dheere!

0
468

Kala shaki xooggan ayaa soo kala dhexgalaya hoggaamiyaal sare oo ka tirsan Argagaxisada Al-shabaab xilli howlgal culus oo iyaga ka dhan ah ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka.

Kadib markii Al-shabaab laga saaray deegaanno badan oo dalka ah, waxa ay bilaabeen in markaan ay dhexdooda isku jeestaan, waxaana lasoo warinayaa in xubno uu ka mid yahay afhayeenkooda Cali Dheere uu shaki soo kala dhex-galay.

Waxaa soo baxay xog dhexdooda ah, kadib markii xubno Al-shabaab ka tirsan looga shakiyay iney damacsan yihiin iney ka baxaan magaalooyinka iyo deegaannada waaweyn ee ay dalka ka joogaan, cabsi ay ka qabaan gulufka iyaga ka dhan ah.

Sidoo kale, Afhayeen Cali Dheera ayaa amray in saraakiishan qaarkood xabsi la dhigo, kuwaas oo uu sheegay iney loooga shakiyey iney xiriir hoose la sameynayaan dowladda federaalka si ay isku soo dhiibaan.

Ilo sirdoon ayaa sheegaya in xabsi la dhigay ku dhowaad 24 dhallinyaro ah, deegaanno ka tirsan Galmudug, kuwaas oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Argagaxisada, waxaana looga shakiyay iney isku dhiibayaan dowladda Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Al-shabaab iyo saraakiil uu ka mid yahay Afhayeen Cali Dheere, waxaa la xaqiijiyey iney iska bedaleen qaar ka mid ah ilaaladooda, kadib markii ay naftooda ku aamini waayeen.

Geesta kale, ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa Waaberigii saakay aad ugu dhowaaday degmada Ruunirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe, degmadan ayaa ah midda kaliya ee ay argagaxisada kaga sugan yihiin gobolkan, kadib markii dhawaan laga saaray degmooyin iyo deegaanno badan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ayaa ii xaqiijiyey in ciidanku ay la wareegeen ku dhowaad Saddex deegaan oo hoostaga degmada Ruunirgood, waxaana uu sheegay in saacad walba ay degmada u ruqaansan karaan.

Dad deegaanka ah oo ku sugan degmada Ruunirgood ayaa iyagana waxay ii xaqiijiyeen in argagaxisada Al-shabaab ay durba bilaabeen daabulista wax walbo oo muhiim u ah ee degmadaasi ka yaala, sidoo kalena ay muuqato saan saan ah in degmada ay ka bixi doonaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in sidoo kale ay xalay kulamo hoose la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka degmada, iyaga oo ku qasbaya in shacabka ay ka baxaan guud ahaan degmada, sida ay ka sameeyeen degmooyin badan oo horay looga qabsaday.

Argagaxisada ayaa shacabka ka dhigta gambaad, kuna qasba faarujinta deegaan ama degmo walba oo ay ka baxaan, waxaana ay shacabka ugu hanjabaan iney dili doonaan haddii ay degmada sii joogaan.

Maamulka Hirshabelle ayaa noqon doona maamulkii ugu horreeyay ee deegaannadiisa iyo degmooyinkiisa ka xoreeya argagaxisada, waxaana kacdoonkii ka bilowday duleedka B/weyne uu ku faafay guud ahaan Hirshabelle.

Geesta kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo horay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka u balanqaaday lacago haddii ay soo dilaan xubin ka tirsan Al-shabaab, ayaa hadana shalay waxa uu sameeyay ballaanqaad kale oo aad uga culus kii hore, islamarkaana u sameeyay dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay iney soo dilaan horjoogayaashooda magaca leh, sida Cali Dheere, qofkii shaqadaas qabtana uu siin doono lacag dhan 30 kun oo doolar, dowladdana ay cafis u fidin doonto.

Tani waxay keeni doontaa iney aad u kala shakiyaan hoggaamiyeyaasha Al-shabaab iyo askartooda, sidoo kalena waxay tani dhiiragelin dontaa dhallinyarada aanu ku fogaan fekerka argagaxisada ee doonaya iney isku soo dhiibaan dowladooda.

Mohamed Abukar Kulmiye
Marqaati News

 

LEAVE A REPLY