MD Xasan Sheekh Oo Shaqaalihii Ugu Badnaa Ka Eryaya Villa Somalia

0
524

Warar xaqiiq ah oo laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in in ka badan 170 qof oo kamid ah Shaqaalaha ka howlgala qeybaha kala duwan ee Villa Somalia shaqada la ruqseyn doono, bilowga todobaadka nagu soo wajahan, iyadoo bedelkoodana la diyaariyey.

Ilo wareed ku ku sugan Villa Somalia, ayaa ii xaqiijiyey in qorshahan uu socday muddooyinkaan, iyadoo ugu dambeyn ay soo shaac baxday xogta ah in shaqaalahan shaqadooda ay waayi doonaan.

Wixii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Villa Roosa waxaa aad usoo batay cadaadiska la saarayey shaqaalaha madaxtooyada, oo xitaa ay adkeyd in mararka qaar ay gutaan waajibaadkooda shaqada.

Shaqaalaha la ceyrin doono ayaa iskugu jira Shaqaale rayid iyo kuwa KMG ah, waxaana shaqaalaha rasmiga ah loo wareejin doona goobo kale, halka kuwa KMG ah si buuxda loo fasaxay.

Shaqaalahan la eryayo ayaa todbaadyo kahor waxaa waresyi la yeeshay hay’adaha ammaanka, iyadoo aan loo sheegin sababta rasmi ah ee loo eryayo.

Sidoo kale, waxaa hadda diyaar ah kaararkii shaqada ee shaqaalaha cusub ee Villa Soomaaliya, kuwaas oo kaliya sugaya marka la faro iney soo shaqo galaan.

Shaqaalaha KMG oo waqti badan ku bixiyey howlaha ay dalka u hayeen ayaa hadda kusoo dhacay meel cidlo ah, kuwaas oo xitaa ugu yaraan aan lagu darin shaqaalaha rasmiga ah, maadaama sanado badan soo shaqeynayeen, sidoo kalena aanay qaadan jirin mushaar rasmi ah, marka laga reebo gunno.

Talaabada ay qaaday Villa Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ka dhigeysa 2dii Balanqaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii xilka madaxweyne loo doortay 15kii May ee sanadkaan, kuwaas oo kala ahaa.

1- In aan qofna la beegsaneyn, oo uu kala jeeday in aysan jiri doonin aargudasho lagu sameynayo xubnihii la shaqeynayey dowladda hore ee uu hoggaaminayey Maxamed C/laahi Farmaajo, balse sida hadda muuqata kooxda talada dalka haysa waxay bilaabeen in koox koox ay shaqada uga eryaan shaqaalihii ay ugu yimaadeen hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Qodobka Labaad ayaa ah Balan-qaadkii Shaqo abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed, maadaama dalka ay ka jirto shaqo la’aan baahsan, iyadoo darbiyada ay iska fadhiyaan dhallinyarada dalka wax u baratay, iska daa in shaqaale cusub la qoro e’ waxaa hadda muuqanayesa in dhallinyaradii mudada usoo dhabar adeegaysa la shaqeynta dowladda, iyaga oo aan shaqaale rasmi ah ahayn la eryayo, taas oo niyad jab ku ah jiilka dalka wax usoo bartay.

Villa Soomaaliya waxaa ka socda isbedal shaqo oo lagu sameynayo shaqaalihii hore ee halkaasi joogay waxaana inta badan shaqo abuur loo sameynaa dad aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa siyaasadda, inta badanna waxaa dadka hadda loo shaqaaleysiinayaa cid walba oo kaalin ka qaadatay ololihii dib u doorashada madaxweynaha iyo sidoo kale saaxiibada xisbiga UPD ama Damuljadiid.

Kaliya ma ahan halka ay ka socoto boobka boosaska shaqaalaha dowladda gudaha Villa Soomaaliya ee sidoo kale waxay ka taagan tahay dhanka hay’adda sharci dejinta, gaar ahaan golaha shacabka.

Xogaha aan horay u baahinnay ayaa sheegaye Fadeexada la xariirta, sida loo ceyriyey 54 kamid ahaa ilaalada golaha shacabka, looguna bedeshay dad aan Askar kale aheyn taas oo illaa hadda dood ka taagan tahay.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhexda kataagan fadeexad wax isdaba-marin iyo Shaqaale ay kujiraan ciidan gaar ah oo amniga golaha qaabilsanaa oo shaqada laga qaaday, boosaskoodiina lagu bedeshay shaqaale rayid ah oo ay keensadeen gudoomiyaha golaha, Kuxigeenkiisa 1-aad iyo mid kamid ah Habdhawrayaasha golaha, waxaana talaabadan la qaaday waqtigii fasaxa golaha.

Ciidanka gaarka ahaa ee Golaha shacabka, loona yaqaano “VIP-PROTECTION POLICE” ayaa ka koobnaa 114 Askari, 54 kamid ah ayaa la eryay, bilaa sabab, mid kasta ayaa qaadanayay $200 dollar, waxaana lagu bedelay xubno aan ciidan aheyn ama Shaqo Amniga ka shaqeynin, taas oo muujinaysa fadeexad cusub iyo dayac amni golaha ah.

Guddoonka ayaan awood u laheyn eryida Askartan, sida ay ku doodeen Guddiga Amniga ee golaha shacabka oo qoraal u diray Guddoonka golaha shacabka.

 

Warbixintii Guddiga ayay guddoonka goluhu diideen in lahorgeeyo golaha shacabka, taas oo ay ka muuqato cadeynta talaabadan ay 54 boos ku kala qeybsadeen- Aaden Maxamed Nuur iyo Sacdiya Salaad.

Villa Somalia iyo Golaha shacabka kaliya kama socoto boobkan ee sidoo kale waxaa jira wasaarado badan oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo shaqaale eryis laga bilaabay.

Mohamed Abukar Kulmiye
Marqaati News

LEAVE A REPLY