Somaliland Oo Laga Qabsaday Laascaanood Iyo Tukaraq

0
516

Kadib dagaal culus oo ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka ku dhexmaray 21 cisho magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa saacado kahor waxaa isbedal weyn oo lama filaan ah ku  yimid aagagii dagaalka, iyadoo Somaliland ay qaadatay go’aan lama filaan ah.

Ciidamada Somaliland ayaa isaga baxay dhammaan aagagii ay kaga sugnaayeen Laascaanood iyo duleedkeeda, gaar ahaan goobihii shalay illaa saakay ay ka dagaallmayeen ciidanku, waxaana la sheegay iney sameeyeen dib u gurasho aad u badan.

Ciidamada deegaanka ayaa hadda maamulaya guud ahaan magaalada Laascaanood, waxaana ay gudaha u galeen xarumihii maamulka gobolka oo ay joogeen ciidanka Somaliland, waxaana laga taagay calanka Buluugga ee dhexda ku leh xidigta Shanta gees ah, waa Somalia’e

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay magaalada iyo daafaheeda waxaana ay u dabaaldegayaan guusha ay ka gaareen ciidamada Somaliland, iyadoo  sidoo kale, ciidankii ugu badnaa ee taageeraya kuwa SSC ay iyaguna magaalada gaareen.

Isbedalka ku yimid ciidanka Somaliland ayaa loo sababeeyay kadib markii looga adkaaday dagaalkii qaraaraa ee shalay ka dhacay Laascaanood, halkaas oo waxyeello xooggan lagu gaarsiiyey, looga furtay hub iyo sahay kale oo ciidan, waana sababta ugu weyn ee saraakiisha Somaliland aragtidooda wax uga bedaleen.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhex bilowday ciidanka Somaliland dhexdooda kuwaas oo la rumeysan yahay iney isku khilaafkeen habka loo dagaallamayo, kala qeybsanaanta saraakiisha oo qaar aanay dooneyn dagaalka halka kuwo kalena rabaan in la dagaallamo.

Ilo amni ayaa sidoo kale sheegaya in Somaliland ay wadato qorshe kale oo ah soo abaabulka guluf dagaal oo aad uga miisaan iyo mug culus midka hadda socda, ayna rabaan in mar qura kasoo weeraraan Laascaanood jihooyin aad u badan.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliand oo saxaafdda kula hadlay magaalada Laascaanood waxa uu sheegay in Biixi mar walba isaga uu hurinayey colaadda ee aanu dooneyn in dagaalka la joojiyo, wuxuuna sheegay in isaga oo metala shacabka SSC aanu marnaba qaadaneyn in dadkiisa la xasuuqo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Geesta kale, wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay isaga soo baxeen ciidankii Somaliland ee mudada joogay, waxaana sidoo kale ay la kulmeen dagaal kooban oo dhexmaray iyaga iyo ciidan la sheegay iney isugu jireen kuwa Puntland iyo SSC.

Dagaal kooban oo dhacay ayeey Ciidanka Somaliland ku wada faarujiyeen dhammaan aaggaii ay kaga sugnaayeen Tukaraq, waxaana halkaasi looga qabsaday sahay ciidan, ulajeedka ay deegaankan uga baxeen waxaa lagu sheegay iney ka baqeen in la go’doomiyo maadaama jidkii isku xirtayey ay hadda gacanta ku dhigeen ciidanka SSC.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadda kulamo la leh, waxgaradka, wasiiradiisa iyo saraakiisha ciidamada ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo, una sheego sababta ay dib ugurashada u sameeyeen.

Qubarada waxa ay qabaan in Biixi sheegi doono inuu u hoggaansamay ammarka ah in ciidankiisa kasoo saaro furimaha, nabadda la qaato lana wadahadlo.

Sidoo kale waxa uu sheegi doonaa in uu u taray shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood oo aanay xamili karin dagaal culus oo dhaca iyo waliba in dhib lagu siihaayo, balse ma sheegi doono in dagaalladii dhacay looga adkaaday.

Somaliland hadda waxay ay iskula maqan tahay talo, waxaana ay kala dooran doonaan iney sii dagaallamaan meesha uu la gaaraba dagaalka iyo iney ka sabraan gobollada SSC, waayo Labadan arrin wax ka dhaxeeya ma jirto maadaama shacabka gobolladaan hubka qaateen, ayna dareemeen iney awood u leeyihiin iney iska celiyaan cid walba oo aanay dooneyn xukunkiisa.

Haddii ay dhacdo in Biixi ka sabro gobolladan, waxaa hubka qaadan doona gobollo kale oo Somaliland ah, kuwaas oo iyana iska tuuri doono maamulka Biixi, oo ay u arkeen inuu yahay shaqsi kali taliye ah, kana gudbay xeyndaabkii ay shacabka sida xorta ah ugu soo doorteen.

Hadda lama maqlayo rasaas ka dhex socota Laascaanood ama sidoo kale duqeyn socota, maadaama ciidanka laga fogeeyay magaalada, waxay su’aashu tahay, dadka deegaanka miyeey ka daba tagi doonaan ciidanka Somaliland, mise waxay xajisan doonaan amniga magaaladooda.

 

LEAVE A REPLY