Saciid Dani “25 May Kahor Waa In La Xoreeyo Laascaanood…RW Xamse Waa Xogahaya Madaxweynaha”

0
509

Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa maanta waxa uu markii ugu horreysay jawaab ka bixiyey eedeyn dhowr ah oo kaga timid madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare Xasme iyo sidoo kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka dhanka kalena si dadban u dhaliilay dowladda Jabuuti.

Saciid Dani oo dadweyne badan kula hadlayey magaalada Gaalkcyo ee gobolka Mudug, geesta kalena olole ugu jiray xisbigiisa Kaah iyo doorashada golaha deegaanka ee 25ka May, ayuu sheegay in Puntalnd lagu soo qaaday dagaal dheer iyo colaad gaamurtay oo aanay shacabka Puntland ku jirin, sidoo kalena ah mid aan loo meel dayin.

Dani, ayaa sheegay in shir Saddex geesood ah oo uu kala jeeday kulankii Jabuuti ee madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynaha Jabuuti ee lagu burburiyey Laascaanood la doonayo hadana in lagu burburiyo Puntland, fariintaasina ay soo gaartay.

Waxa uu sheegay in lagu abaaldhacay Puntland oo uu tilmaamay in ciidankeedu xoreeyeen magaalada Muqdisho, wax ka dhiseen federaalka, difaac u yihiin wadajir iyo midnimada Soomaaliye, balse su’aasha meesha taagan ayaa ah ciidan ka socda Puntland goorma ayeey xoreeyeen Muqdisho.

Dhanka kale, Saciid Dani oo u jawaabayey Ra’iisul wasaare Xasme ayaa ugu horreyn wuxuu ku tilmaamay Ra’iisul wasaaraha inuu yahay xoghayaha madaxweynaha, taas oo meel ka dhac u ah dowladnimada, sidoo kalena aan laga fileyn inuu ku hadlo mas’uul dowladeed ama umad dhan xil u haya.

Wuxuu sheegay in Ra’iisul wasaaraha aanu cidna shaqo siin karin oo isaga shaqadiisa uu qaatay madaxweynaha, la sameeyay ergay taariikhda markii ugu horreysay 60 sano kadib, sidoo kalena awoodaha xukuumadda iyo guud ahaan dowladda isku darsaday madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu si gaar ah ugu dhaliilay inuu diidan yahay dimuqraadiyadda dalka, sidoo kalena horay uga soo horjeestay in shacabka ay codkooda dhiibtaan sanadkii 2013kii, laakiin wuxuu tilmaamay in Puntland ay mar walbo diyaar u tahay in shacabka lagu celiyo talada.

Laascaanood

Madaxweyne Saciid Dani, mar uu ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo hadalkii shalay uu jeediyey madaxweyne Muuse Biixi ayuu sheegay in wax walba ay isla ogaayeen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu sheegay in Puntland ay mar walba diyaar u tahay difaaca Laascaanood iyo in la xoreeyo.

Wuxuu sheegay in shacabka Puntland ay doorashada 25-ka May codeyn doonaan sidoo kalena ay xoreynayaa magaalada Laascaanood oo laga saari doono ciidamada Somaliland ee hareereeyay magaalada.

Somaliland ayuu sheegay in ay diyaarinayso duulaan xooggan oo ay magaalada Laascaanood kusoo qaaddo 25-ka May oo ah maalinta cod bixinta doorashada golaha deegaanka ee Puntland.

Ka Puntland ahaan ayuu sheegay in marnaba aanay qarsaneyn iney ka dagaallamayaan Laascaanood, isaga oo ka dalbaday shacabkiisa in 25-ka bishaan kahor ay xoreeyaan magaalada Laascaanood, hadalkaasi oo ka dhigay in Puntland ay si cad dagaalka ugu biireyso.

Dani waxa uu ammar ku bixiyey in magaalada Laascaanood la xoreeyo kahor 25-ka bishan, waxaana la sugayaa in ciidamadiisa ay weerar xooggan qaadaan, iyadoo uu dhaboobayo hadalkii Somaliland ee ahaa in Puntland ay soo weerartay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu hurinayo colaadda magaalada Laascaanood oo shacabka ku dhaqan magaaladan lagu qasbayo iney dagaallamaan.

Hadaba, dadka falanqeeya xaaladda Laascaanood waxay sheegayaan in hadda magaaladan ay wajihi doonto xaalad aad u adag oo dagaal, waxaana maalamaha soo aaddan la filan karaa in magaalada dagaalladiii ugu qaraaraa ebed ay ka dhacaan.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd ebed, iyadoo madaxweynaha maamulkaasi u muuqda mid ku adkeysanaya inuu maqnaado xiriirkaas, iyadoo wixii ka dambeeyay doorashadii Dani ay Puntland ka bixi la’dahay fowdo siyaasadeed, waxaana dagaalka uu kula jiro Xasan Sheekh ka horeeyay midkii uu la galay Farmaajo.

LEAVE A REPLY