Ruushka Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Caasimadda Ukraine

0
554

Ukraine ayaa ku dhawaaqday inay ku guda jirto tijaabinta nidaamka lagu ogaanayo gantaalaha Israel, kaasoo ay u badan tahay in la isticmaalo laba bilood gudahood, halka Washington ay sheegtay in Ruushka aysan u badneyn in uu isticmaalo hubkiisa Nukliyeerka, kaddib weerarkii Kremlin-ka.

Safiirka Ukraine u fadhiya Israel, Yevgen Korniychuk, ayaa sheegay in Kiev ay tijaabinayso hab lagu baaro gantaallada ay Israel samaysay, kaas oo dalkiisa siin doona awood uu uga hortago weerarrada gantaallada ee Ruushka, isagoo intaas ku daray in laga yaabo in la hawl-geliyo laba bilood gudahood.

Israel ayaa ka shaqaynaysa sidii ay u wanaajin lahayd difaaceeda hawada gaar ahaan habka Iron Dome ee ay Tel Aviv u isticmaasho inay iskaga celiso gantaalada ay falastiin ku soo ridaan marinka Qaza. Iyadoo mas’uuliyiinta Israel aysan bixin faahfaahin ku saabsan habka lagu ogaanayo gantaallada ay u samaynaysay Kiev.

Danjire Yevgen Korniychuk ayaa sheegay in nidaamkan lagu keenay xogta raadaarka Ukraine, waxaana hadda tijaabada uu ku marayaa magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in nidaamkan uu oggolaaday in la aqoonsado walxo kala duwan oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga ah, isla markaana la xisaabiyo si loo ogaado halka ay u socdaan. taasna waxay asal ahaan oggolaanaysaa in la xiro qaybo ka mid ah dalka oo dhan, halka dalka oo dhan laga xiri lahaa. iyadoo la tixraacayo amarada duqaynta hawada ee la soo saaro marka uu weerar dhaco.

Danjire Yevgen Korniychuk ayaa tilmaamay in nidaamkan marka la dhammeeyo uu uga digayo dadka deggan meelaha ay ku dhowdahay in lagu duqeeyo gantaallada ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, haddii ay tahay dhawaaqa seeriga ama digniinta lagu soo diro taleefannada gacanta.

Dhanka kale, agaasimaha sirdoonka qaranka Mareykanka Avril Haines ayaa sheegtay in Ruushka aysan u badneyn inuu isticmaalo hubkiisa nuclear-ka.

Waxay u sheegtay Guddiga Adeegyada Ciidanka ee Guurtida: “Waa wax aan dhici karin, Tani waa qiimeynteena hadda.”

Dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan in tani ay muujinayso sida ay uga go’an tahay Moscow inay is-xakamayso xittaa xilli ay khasaare xooggan kala kulmayso dagaalka Ukraine iyo weerarkii dhawaan lagu qaaday Aqalka Kremlin-ka.

Kaddib markii uu biloowday dagaalka Ukraine 24-kii February, 2022, saraakiisha Ruushka waxay ka dhawaajiyeen suurtagalnimada isticmaalka hubka nukliyeerka haddii Moscow ay la kulmaan khatar ku wajahan ammaankeeda qaranka..

Dhamaadka sannadkii hore, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dalkiisa laga yaabo inuu si rasmi ah u tixgeliyo ku darista suurtagalnimada markii ugu horeysay weerar nukliyeer ah oo ka hortag ah si hubka looga dhigo cadowga caqiidada militariga. tani waxay timid maalmo uun kaddib markii uu ka digay in dagaalka nukliyeerka uu sii kordhayo, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin reer galbeedka.

Weeraro iyo qaraxyo:

Qaraxyada ayaa ka socday 15 ilaa 20 daqiiqo magaalada Kiev, iyadoo habeenimadii Khamiista ay dhaceen weeraro isdaba joog ah oo yimid kaddib markii Moscow ay ku dhawaaqday inay jawaab ka bixineyso weerarada ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen xarunta Kremlin-ka.

Duqa magaalada Kiev ee Vitali Klitschko, ayaa ka warbixiyay qaraxyo iyo dab ka kacay degmada Solomyansky ee caasimadda, isagoo ka digay burburka suurtagalka ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dhankiisa, Sergei Popko, oo ah madaxa maamulka militariga ee Kiev, ayaa sheegay shalay subaxnimadii Khamiista, in magaaladooda aysan ka dhicin weeraro sidan oo kale ah tan iyo bilowgii sanadkan, isagoo intaas ku daray in tani ay tahay maalintii seddexaad ee isku dayga lagu doonayo in lagu weeraro Kiev.bishan May.

Arrimahan ayaa yimid kaddib markii uu si cad uga digay Ruushka in jawaab laga bixinayo beegsiga xarunta dawladda iyo goobta shaqada ee madaxweyne Vladimir Putin ay noqon doonto mid adag.

Tani waxay sidoo kale ku soo beegantay weerar ballaaran oo Ruushka ku qaaday gobollada koonfureed ku qaadeen Toboneeyo diyaaradaha nuuca aan duuliyaha lahayn, Kiev ayaa ku dhawaaqay inay soo riday tiro badan oo iyaga ka mid ah. Dhankooda, Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu soo riday diyaaradii aan duuliyaha lahay ee Ukraine ee isku dayday inay bartilmaameedsado garoon diyaaradeed oo military.

Kherson, Odessa iyo Mykolaiv:

Dhinaca kale wariyaha Al-jazeera ayaa soo sheegay in qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen gobolka Kherson ee koonfurta dalka Ukraine.

Shalay oo Khamiis ahayd, maamulka Kherson ee Ukraine ayaa ku dhawaaqay in tirada dhimashada weerarka Ruushka ee gobolka ay kor u dhaaftay 23, dhaawacuna uu gaaray 50. tuulooyinka iyo magaalooyinka ku yaala xadka.

Ciidamada Ukraine ayaa ku dhawaaqay inay soo rideen 18 ka mid ah 24 diyaaradaha nuuca aan duuliyaha lahayn ee Ruushka leeyahay, kuwaasoo laga soo abaabulay weerarkooda koonfurta dalka, gaar ahaan badda Azov.

Taliska ciidamada gobolka Odessa, ayaa xaqiijiyay in magaalada lagu bartilmaameedsaday 15 diyaaradaha nuuca aan duuliyaha lahayn ee Ruushka leeyahay oo 12 ka mid ah ay soo rideen ciidamada difaaca cirka, halka Saddexda kale ay beegsadeen goob waxbarasho oo ku taal gobolka.

Dhinaca kale Maamulka deegaanka Mykolaiv ayaa xaqiijiyay in tiro dhoor ah ee diyaaradaha nuuca aan duuliyaha lahayn ee Ruushka leeyahay lagu soo riday qaar ka mid ah dhulalka gobolka, gaar ahaan gobolada Ochakov iyo Kestrup.

LEAVE A REPLY