Maraykanka “Ukraine Ma Weerarin Madaxtooyada Ruushka”

0
588

Nathan Tech, oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in Ukraine ay xaq u leedahay inay is difaacdo, Isagoo tilmaamaya in Washington ay kaliya ku taageereyso Ukraine inay is difaacdo.

Wuxuu intaas ku daray, in waddankiisa uu xaqiijinayo eedeymaha uga yimid Ruushka ee la xiriira weerarkii Kremlin-ka.

Wuxuu sidoo kale u arkaa in eedeymaha Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine ee la xiriira weerarkii Kremlin ay yihiin wax aan macquul aheyn, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo tilmaamay in hadalada ka imaanaya dhanka Kremlin-ka mid shaki ku jira isla markaana aan lagu kalsoonaan Karin.

Madaxtooyadda Ukraine ayaa ku dhawaaqday in Kiev aysan wax lug ah ku lahayn weerarka Kremlin-ka, iyagoo intaas ku daray inay ka war qabaan in weerarka Kremlin-ka uu sababi karo fal-celin aad halis u ah ee uu Ruushku sameeyo.

Hadalka Ukraine ayaa yimid ka dib markii Ruushka uu ku dhawaaqay, Arbacadii, in ay soo rideen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo bartilmaansaday qasriga madaxtooyada ujeedkana uu ahaa isku day lagu doonayay in lagu qaarjiyo madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxtooyada Ruushka ayaa xaqiijisay in burburka labada socdaal uu ku dhacay gudaha Kremlin-ka, balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Afhayeenka madaxtooyada Ruushka ayaa sheegay in Putin shalay oo Arbaco ahayd ku shaqeynaayay gurigiisa, isagoo xaqiijiyay inuu ka qayb qaadan doono dhoolatuska maalinta guusha ee dagaalkii labaad aduunka ee todobaadka soo socda sida la qorsheeyay.

LEAVE A REPLY