Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Kiev

0
446

Ilo-wareedyo ayaa ku waramaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine, xilli warshad sifeysa shidaalka ee ku taala koonfurta Ruushka lagu weeraray diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn saakay oo Khamiis ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wuxuu booqasho aan la sii shaacin ku tagay dalka Holland.

Wargeyska Independent ee Kiev ayaa sheegay in laba qarax oo waaweyn iyo seeriga digniinta laga maqlay gobollo badan oo Ukraine ka tirsan, waxayna ciidanka Kiev ay sheegeen in la hawl galiyay difaaca cirka.

Dhankeeda, wakaaladda wararka ee TASS ayaa sheegtay in uu dab ka kacay qayb ka mid ah warshadda shidaalka sifaysa ee ku taala koonfurta Ruushka, kaddib markii ay weerartay diyaarad aan duuliye lahayn.

Arrimahan ayaa yimid kaddib markii madaxtooyada Ruushka ay ku dhawaaqday inay fashilisay weerar labo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah ay ku qaadeen Aqalka Kremlin-ka, waxayna weerarkaas ku tilmaameed mid argagixisinimo ah.

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan wax dhaawac ah soo gaarin, isla markaana xilliga la weeraray uusan joogin aqalka Kremlin-ka, taasi oo ay u aragto inuu ahaa isku day naftiisa lagu doonayay.

Isaga oo jawaabaya eedeymahan, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Helsinki dhiggiisa dalalka waqooyiga Yurub ku yaala wuxuu ku sheegay inay ku dhex dagaalamayaan dalkooda isla markaana aysan weerar ku ahayn Putin iyo Moscow.

Booqasho aan la shaacin:

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky, oo booqashadiisii ​​ugu horeysay ku tagay Netherlands, ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Amsterdam-Schiphol kaddib markii uu ka soo qeyb galay shir madaxeedka dowladaha Waqooyi ee Yurub ee ka dhacay Helsinki.

Wakaalada wararka ee dalka Holland ee ANB ayaa daabacday sawiro dhowr ah oo uu ku jiro sawirka diyaarad ay ku sheegtay inay tahay diyaarad ay leedahay dowlada Holland, taasi oo loo badinayo inay siday madaxweynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky.

Sida laga soo xigtay wakaaladda, Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Zelensky uu booqdo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.

Netherlands ayaa ilaa hadda siisay Ukraine gargaar milateri oo dhan ilaa 1.2 bilyan oo Yuuro si ay Kiev uga caawiso dagaalka uu Ruushka ku qaaday.

madaxweynaha Ukraine ee Zelensky ayaa Arbacadii shalay ahayd la kulmay hoggaamiyayaasha wadamada Waqooyiga Yurub shir-madaxeed diblomaasiyadeed. Waxayna u ballan qaadeen inay siin doonaan taageerada ugu badan ilaa inta loo baahan yahay.

Wadamada Waqooyiga Yurub ayaa u balan qaaday in ay taageero hagar la’aan ah siinayaan Ukraine dagaalka ay kula jirto Ruushka iyo sidii ay ugu biiri lahayd NATO iyo Midowga Yurub, sida lagu sheegay shir madaxeedka qabsoomay Arbacadii shalay oo ahayd

Finland, Sweden, Norway, Denmark iyo Iceland ayaa intii uu socday wadahadalka dublamaasiyadeed ku ballan qaaday inay taageero siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bini’aadantinimo iyo mid milatariba siiyaan Ukraine.

Dhinaca kale, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay oggolaanshaha madaxweyne Joe Biden ee xirmo cusub oo gargaar ah oo dhan 300 milyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dalka Ukraine.

Af hayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in gargaarkan cusub ay ka mid yihiin kuwa fududeeya, qoryaha lidka taangiyada, iyo rasaasta habka gantaalaha ee HIMARS.

Dhimasho ka dhacday gobolka Kherson:

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay in 21 qof lagu dilay 48 kalena lagu dhaawacay weeraradii Ruushka ee Arbacadii ka dhacay gobolka Kherson ee koonfurta dalkaasi.

Wuxuu intaas ku daray, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku xiriirto, in ciidamada Ruushka ay Arbacadii weeraro ka fuliyeen gobolka Kherson, oo ay la beegsadeen xarunta tareenada, guryaha, dukaamada, iyo xarumaha shidaalka.

Wuxuu intaas ku daray in weerarada Ruushka ay ku dileen 21 qof, 48 kalana ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in dhammaan dadkaasi ay ahaayeen dad rayid ah.

Dhanka kale, Amniga Qaranka Ukraine ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gobolka Kherson Arbacadii shalay ahayd lagu qaaday weeraro dhowr ah ee uu fuliyay Ruushka.

30-kii Sebtembar 2022, Kremlin-ka ayaa saxiixay go’aan ah in lagu daro dhulkiisa 4 gobol oo Ukraine ah, kuwaas oo kala ah Donetsk, Zaporizhia, Kherson, iyo Luhansk, taasoo ay si adag uga soo horjeesteen Kiev iyo xulafadeeda reer galbeedka.

24-kii February, 2022, Ruushka wuxuu hawlgal millatari ka bilaabay Ukraine, waxaana ku xigay diidmo caalami ah iyo cunaqabatayn dhaqaale oo lagu soo rogay Moscow, iyadoo uu Ruushka shuruud kaga dhigay soo afjaridiisa dagaalka in Ukraine ay ka tanaasusho qorshaha ay ugu biirayso hay’adaha militariga, taas oo Kyiv ay u aragto faragelin lagu hayo qaranimadeeda.

LEAVE A REPLY