Agaasimaha xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha Macruuf Xaaji oo ka warbixiyay kulan Ergayga Abaaraha, Madaxa USAID iyo Danjireyaasha Kale ay kaga wada halkeen arimaha Abaaraha.

0
464

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan sida uu inoo sheegay agaasimaha Xariirka bulshada ee xafiiska Ergayga gaarka ah ee abaaraha Macruuf Xaaji.

sida uu sheegay Agaasimaha Xiriirka Bulshada ee Xafiiska Ergayga Abaaraha Macruuf Xaaji, Kulanka waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

LEAVE A REPLY