Agaasimaha xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha Macruuf Xaaji oo ka warbixiyay booqashadii Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan dhanka abaaraha iyo bini’aadanimadda Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur uu ku tagay Isbitaalka De-martino

0
603

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan dhanka abaaraha iyo bini’aadanimadda Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur ayaa booqasho indha indheyn ah oo ugu kuur galaayay xaaladaha Caafimaad  ayaa ku tagay Isbitaalk guud ee De-martino. Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame iyo wafdigiisa ayaa waxaa Isbitaalka ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka De-martino sida uu inoo sheegay Agaasimaha Xiriirka Bulshada ee Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Abaaraha Macruuf Xaaji.

Madaxa ugu sarreeya isbitaalka ayaa
warbixinno dhameystiran ka siiyay ergayga xaalada isbitaalka oo haatan la tacaalaya bukaanadii ugu badnaa ee uu qaabilo kuwaas oo u badan dad dan yar ah oo ka soo barakacay abaaraha dalka iyo sidookale bukaano ka yimid gobolo fog fog oo dalka ah sida uu inoo sheegay agaasime Macruuf Xaaji.

Ugu dambeyn Agaasimaha Xiriirka Bulshada ee Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Abaaraha Macruuf Xaaji waxa uu inoo sheegay in Ergaygu maalmaha soo socda uu booqan doono isbitaallo kale oo ay ku jiraan dad danyar ah oo ka soo cararay abaaraha dalka ku dhuftay.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY