Mali oo baabi’isay heshiisyo milateri oo ay la gashay Faransiiska

0
482

Taliska milatariga ee ka taliya dalka Mali ayaa ku dhawaaqay in la baabi’iyay heshiisyo dhanka difaaca ah oo ay la saxiixdeen Faransiiska iyo xulafadiisa reer Yurub, iyagoo muujiyay sida ay uga soo horjeedaan “xadgudubyada calanka” ee ay ciidamada Faransiiska ka geysteen dalkaasi ee ka dhanka ah madax banaanida qaranka iyo “xadgudubyada badan” ee ay ku hayaan hawada Mali.
Goluhu waxa uu carabka ku adkeeyay in joogitaanka ciidamada Faransiiska ee Mali aanu hadda sharci ahayn, balse ayna taasi suurtogal ahayn inay ka celiso Paris inay sii waddo hawlgallada qarsoon ee ka dhanka ah kooxaha jihaadiyiinta ee Mali, sida lagu sheegay falanqayn uu sameeyay wargeyska Faransiiska ee La Croix.
Qoraaga wargeyska, Laurent Larche, ayaa falanqayntiisa ku bilaabay isaga oo ku nuuxnuuxsaday in waxa Bamako sameeyay ay ahayd, si kale haddii loo dhigo, baabi’inta qaab-dhismeedka sharciga ee faragelinta Faransiiska lagu fuliyay ka dibna Barkhane hawlgallada Mali tan iyo 2013 , iyada oo aan la xusin baabi’inta heshiisyadii lagu maamulayay faragelinta ciidamada Yurub ee ku lug leh la dagaallanka argagixisada.
Iyadoo in ka badan laba kun oo askari oo Faransiis ah ay weli ku sugan yihiin waqooyiga dalka gaar ahaan saldhigga Gao ku dhawaaqidda Mali xilligan lama fileynin sida uu sheegay Larchi inay bedelaan mowqifka ciidamada Faransiiska iyo mowqifkooda gudaha dhulka Mali.
sida uu qoraagu sheegay ciidamada Faransiisku waxay bilaabeen inay ka baxaan Mali tan iyo xagaagii hore, waxaana xawliga ka bixitaankan uu sii kordhay ka dib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku dhawaaqay in la soo afjarayo hawlgalka Barkhane ee Febraayo 17.
Larchie wuxuu sharaxay in tan iyo Oktoobar 2021, Paris ay ku wareejisay saldhigyadii ay ku sugnaayeen ciidamada Barkhane, midba midka kale ee ciidamada Mali.
Waxa uu sheegay in Saldhigyada ugu dambeeya ay yihiin Saldhigga “Gossi” oo ay Ciidamada Maali la wareegeen 19-kii April ee la soo dhaafay, isagoo xusay in Ciidamada Faransiiska aysan hadda ka howlgalin dalkan, marka laga reebo labo saldhig oo kala ah Saldhigga Menaka taas oo Faransiisku kala baxayo ciidamadiisa, iyo saldhigga GAO, oo la filayo inay bilo ku qaadato inay isna ka guuraan.
Qoraagu waxa uu su’aal galiyay suurtagalnimada in la dardargeliyo hannaanka bixitaanka ciidamada Faransiiska taasoo ka dhalatay qalafsanaanta saadka ee ay wajahayaan iyo in ay ka dhacayaan deegaan colaadeed aad u adag.
Waxa uu sheegay in kolonyada dib u gurashada ay mar walba ay ilaalinayaan ciidamada Faransiiska ee ku sugan dhulka iyo sidoo kale hawada, lagana takhalusi doono hanjabaadaha iyo cadawga lagu arko wadooyinka ay marayaan kolonyadaan.
Marka la eego la dagaalanka argagixisada, ayuu Larchee sheegay, in Faransiisku aanu si rasmi ah hawl-gal milatari uga fulin doonin Mali, balse waxa jira aaminsanaan baahsan oo ah in aanu ka waaban doonin in la dilo kooxaha argigixisada.
Taliska Militariga Mali ayaa ku eedeeyay ciidamada Faransiiska “Basaasnimo” iyo “Falal Qaran Dumisnimo ah” fiidnimadii Talaadada kadib markii ay adeegsadeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drone-ka duubista muuqaal la sheegay in uu muujinayo askar meydad ku aasaya meel u dhow saldhig milatari oo Mali ay dhawaan dib ugu soo celisay Paris.
Bayaan ay soo saartay xukuumadda Bamako ayaa lagu xaqiijiyay in maamulku “ay ogaadeen tan iyo bilowgii sanadkan in ka badan 50 kiis oo xadgudubyo ula kac ah loogu geystay hawada Mali oo ay geysteen diyaarado shisheeye, gaar ahaan diyaaradaha ay leeyihiin ciidamada Faransiiska”.
Waxa uu intaa ku daray in mid ka mid ah kiisaskii ugu dambeeyay ee “ku xad-gudubka hawada Mali” ay ahayd “joogitaanka sharci-darrada ah ee socodka ciidamada Faransiiska ee April 20, 2022 ee saldhigga Gaussie Marka laga reebo basaasnimada, ciidamada Faransiisku waxay ahaayeen kuwo dambiile ah Qaran dumis ah iyadoo la daabacay sawirro been abuur ah oo ku saabsan eedeymaha (askarta Mali).” iyagoo galay dambiyada dilka rayidka ah.
“Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa goob joog ahaa si ay u basaasaan ciidamadeenna hubeysan ee geesiyaasha ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Mali.
Paris ayaa bishii February go’aansatay inay isaga baxdo dalka Mali, iyadoo jawiga ammaankeedu sii xumaanayo, taasoo keentay xiisadda u dhaxaysa Faransiiska iyo golaha milateriga ee talada haya, taasoo ay reer galbeedku ku eedeeyeen inay adeegsadeen adeegyada kooxda Wagner, halka Bamako, ay dhankeeda xaqiijisay jiritaanka ee tababarayaasha Ruushka ee caadiga ah.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY