Xabbad joojin maanta ka billaabatay dhismaha Azovstal

0
372

Hoggaanka Guud ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay furitaanka waddooyin nabdoon oo loogu talagalay dadka rayidka ah si ay uga baxaan dhismaha birta ah ee Azovstal.

Deegaanka ugu dambeeya ee askarta Ukraine ay ku sugan yihiin magaalada Mariupol (koonfur-bari ee Ukraine) ayaa loo qabtay muddo 3 maalmood ah, laga bilaabo siddeedda subaxnimo ilaa lixda fiidka ee wakhtiga Moscow (Maalmaha Khamiista, Jimcaha iyo Sabtida).

Arrintan ayaa timid ka dib dagaallo gacan ka hadal ah oo ka dhacay agagaarka dhismaha, iyo xoojinta howlgallada ciidamada Ruushka ay ka wadaan qeybo kala duwan oo ka tirsan Ukraine, gaar ahaan bariga. Inkasta oo mawqifyada dalalka Yurub ay ku kala duwan yihiin mamnuucidda saliidda laga soo dejiyo Ruushka, Washington waxay ku dhawaaqday in shixnadaha hubka ay u dirto Kiev ay gaaraan meeshii loogu talagalay oo ay wax weyn ka bedeleen goobta.

Hoggaanka Guud ee Ruushka ayaa sheegay bayaan ay soo saareen in mudadan ay jiri doonto xabbad-joojin hal dhinac ah, cutubyaduna waxay u bixi doonaan masaafo nabdoon oo dammaanad qaadaya ka bixista rayidka jihada ay doortaan.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mikhail Podolyak ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen aagga dhismaha Azovstal, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu xiriir la sameeyay ciidamada Ukraine ee halkaasi ku sugan.

Marka la eego, taliyaha guutada Azov, Gaashaanle Dhexe-Colonel Denis Prokopenko, ayaa xaqiijiyay in dagaallo  uu ku tilmaamay kuwo aad u kulul oo dhiig badan uu ku daatay ay ciidamada Ruushka  ka geysteen ee Azovstal  ee Mariupol maalintii labaad.

Boqolaal askari, dagaalyahanno iyo dad rayid ah – oo ay ku jiraan tobannaan carruur ah – ayaa ku daadsan hoolal ku yaalla dabaqa warshadda.

Dhanka kale, taliska guud ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayayaan in ay tallaabadan ka qaadaan gobolka Izyum, ayna ku duqeeyaan magaalada Kharkiv iyo nawaaxigeeda gantaallo iyo hub culus.

Waxay sharaxday in Ruushka uu geeyay ilaa 40 helikobter ah gobolka Belgorod, oo u dhow xadka Ukraine.

Taliska Koonfurta Ukraine ayaa sheegay in dagaaladii 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ku dileen 47 askari oo Ruush ah, laguna burburiyay gaadiid dagaal iyo agabkii ay wateen.

Ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in aysan ogolaan doonin in ciidamada Ruushka ay duulaan ku qaadaan dhulka Ukraine, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Marqaati.com

 

LEAVE A REPLY