Washinton Oo Dooneysa Inay Dib Ugu Laabato Wadaxaajoodka Nukliyeerka Ee Iran

0
368

Safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil Thomas Nides ayaa sheegay in Washington ay wali raadinayso inay dib ugu soo laabato heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay dalkiisa inuu u xaqiijiyo Israa’iil iyo xulafadeeda inaysan u ogolaan Tehran inay hesho hub Nukliyeer ah.
Si kasta oo ay tahay in Washington ay ku soo noqoto heshiiska Nukliyeerka iyo in kale, maamulka waxaa ka go’an inuu u xaqiijiyo Israa’iil iyo xulafadeeda inaysan u ogolaan Iran inay hesho hub nukliyeer ah, tani waa ballanqaad ka yimid madaxweynaha, waxaana dooneynaa inaan ku gaarno qaab dublamaasiyadeed ayuu yiri safiirka Mareykanka.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Waxa aanu si aan gabasho lahayn ugu cadaynay Iiraaniyiinta in aanu shuruudo ku xirno, waxaana ay ila tahay in wasiir Anthony Blinken uu arrintaasi caddeeyey oo ay ku xirantahay Iraniyiinta.
Dhinaca kale, shabakadda “Noor News” oo ku dhow golaha ammaanka qaranka Iran, ayaa sheegtay in arrimaha weli taagan ee wada xaajoodka Vienna aanay ku koobnayn in ilaalada Kacaanka laga saaro liiska argagixisada.
Shabakadda “Noor News” ayaa tilmaantay inay jiraan arrimo aan weli la isku hallayn karin oo ku saabsan wada-xaajoodka Vienna marka laga reebo arrinta Ilaalada Kacaanka, waxayna sheegtay in Washington ay diidan tahay in la xalliyo.
Waxaa xusid mudan in kooxda wada xaajoodka Iran ee wadahadalka Vienna ay ku dhawaaqeen bartamihii bishii April in wada xaajoodyadii ay la lahaayeen shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Jarmalka uu joogsaday, ka dib markii uu eedeymo Iran u jeediyay xubin ka mid ah ergada wada xaajoodka Tehran.
Sida ku cad heshiiskii 2015, Qaramada Midoobay iyo dalal dhowr ah ayaa ka qaaday Tehran cunaqabatayn dhaqaale iyo mid millatari, taas oo gelisay tobanaan balaayiin si ay u taageeraan oo ay u maalgeliyaan dhaqdhaqaaqyada xasilloonida gobolka, sida ay sheegeen saraakiisha Khaliijka iyo Mareykanka.
Balse Maraykanka ayaa heshiiskan ka baxay bishii May 2018 go’aan ka soo baxay madaxwaynihii hore ee dalkaasi Donald Trump oo mar kale ku soo rogay cunaqabatayn taas oo keentay in Iran ay aad uga shaqeyso horumarinta barnaamijkeeda Nukliyeerka, iyadoo madaxda reer galbeedka iyo Israa’iil ay aaminsan yihiin Tehran waxay ku dhowdahay inay haysato hubkeeda nukliyeerka. .

Marqaati.com

LEAVE A REPLY