Iran Oo QM Ka Dalbatay In Tallaab Laga Qaado Maraykanka

0
685

Iran ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay inay qaado tallaabo rasmi ah oo ka dhan ah Mareykanka taas oo ku dilay labo janaraal oo ka tirsan ciidamada Iran labo sano ka hor.

Iran ayaa sheegtay in Qasem Soleimani, oo xilligaas ahaa taliyihii ciidamada Quds ee ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ee ku sugnaa caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, halkaas oo uu hawlo dublamaasiyadeed u joogay, markii kolonyadii uu la socday lagu burburiyay gantaallo laga soo tuuray diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay.

Warqad loo diray golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo la daabacay goor dambe oo sabtidii aheyd waaxda sharciga ee xafiiska madaxtooyada Iran ayaa ku baaqday “dhammaan hindise sharciyeedka awooddeeda, oo ay ku jiraan soo saarista qaraar” si loo cambaareeyo dawladda Maraykanka loogana niyad jabiyo tallaabooyinka la midka ah kuwaan oo ay qaadi doonto mustaqbalka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo amray dilka ayaa sheegay in Soleimani uu ahaa “argagixisada ugu sarreysa adduunka”, ayna ahayd “in la soo afjaro waqti hore”.

Taliyaha Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis iyo dhowr kale ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka.
Sannadkii hore, Iran waxa ay Interpol ka codsatay ogeysiisyo ka dhan ah tobanaan saraakiil Mareykan ah, oo uu ku jiro Trump oo sidoo kale haystay amar qabasho oo ay bixisay maxkamad Ciraaq ku taal.

LEAVE A REPLY