Sacuudiga Oo Dhulka La Simay Diyaarado Dagaal Oo Laka Keenay Iran

0
741

TV-ga Sacuudiga ayaa sheegay in isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ay burburiyeen 4 bakhaar oo ay ku jireen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qalabkii ay ku rakibnaayeen guutada gaadiidka dagaalka ee Xuutiyiinta ee ku sugan caasimadda Yemen ee Sanca.

Sidoo kale ilo wareedyo maxalli ah oo Yemeni ah ayaa ku dhawaaqay in isbahaysigu uu laba weerar ku qaaday xerada gaadiidka xamuulka qaada ee deegaanka Casar ee Sanca.

Shalay oo Sabti ahayd, ciidamada Yemen ayaa dib ula wareegay degmada Asilan ee gobolka Shabwa, ee Koonfur Bari ee dalkaasi, ka dib dagaallo ay la galeen maleeshiyada Xuutiyiinta, iyadoo isbaheysiga uu sii wado duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo goobaha Xuuthiyiinta ee gobolka Ma’rib ee waqooyi bari Yemen.

Wakaalada Anadool oo soo xiganaysa ilo ka tirsan militariga Yemen ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan guutooyinka waaweyn ee xiriirka la leh ciidamada ay shalay adkeeyeen gacan ku heynta bartamaha degmada Asilan.

Isla ishaan oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ciidamada guutada koowaad ay sidoo kale la wareegeen deegaanada “Al-Akda” “Al-Mahkamah” “Al-Xajar” iyo “Xayd bin Caqiil” ee isla degmadaas. , oo ay ka baxeen Xuuthiyiinta oo horey gacanta ugu hayay.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, kooxda Xuuthiyiinta ayaa la wareegtay gacan ku haynta 3 degmo oo koonfurta ka xigta Shabwa, kuwaas oo kala ah Usaylan, Bayhan iyo Cayn.

Gobolka Ma’rib, Isbaheysiga ayaa ku dhawaaqay in ay dileen in ka badan 160 ka tirsan Xuuthiyiinta, laguna burburiyay 17 gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay wateen, duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen Xuutiyiinta, waxaana Isbaheysiga uu war uu soo saaray ku sheegay in ay fuliyeen 33 weerar 24-kii saac ee lasoo dhaafay laguna qaaday saldhigyada maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee gobolka Ma’rib.

Isbaheysiga ayaa sidoo kale sheegay in ay saaka aroortii weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen fariisimaha Xuuthiyiinta ee jiidda Bayhaan, waxaana howlgalka uu qeyb ka yahay waxa ay ugu yeereen dagaalka ay ku xoreynayaan furimaha degmooyinka Bayhaan ee Shabwa.

Madaxweynaha Yemen Abdi Rabbah Mansour Hadi ayaa ku baaqay in la mideeyo dadaallada iyo abaabulka tamarta ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.

Tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay, Xuuthiyiinta ayaa laba jibaaray weerarrada ay ka geysanayaan magaalada Marib si ay u maamulaan, maadaama ay tahay meesha ugu muhiimsan ee ay ku xooggan yihiin dowladda iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

LEAVE A REPLY