Maraykanka ayaa Itoobiya, Mali iyo Guinea ka saaray barnaamijka ganacsiga ee AGOA
Maraykanka ayaa dalalka Ethiopia, Mali iyo Guinea ka saaray barnaamijka ganacsiga xorta ah sababo la xiriira xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo afgambiyo dhowaan dhacay.
War qoraal ah oo uu soo saaray Wakiilka Ganacsiga ee Mareykanka (USTR) ayaa ku sheegay in ay saddexda dal ka joojiyeen sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika (AGOA) “sababo la xiriira tallaabooyin ay qaadeen mid kasta oo ka mid ah dowladahaas kuwaas oo xadgudub ku ah sharciga AGOA”.
Waxa ay sheegtay in Maraykanku uu aad uga walaacsanyahay ku xad gudubka guud ee Guinea ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee caalamku aqoonsan yahay ee ay geysaneyso dawladda iyo dhinacyada kale iyada oo ay jirto colaadda sii kordheysa ee waqooyiga Itoobiya iyo sidoo kale isbedelka aan dastuuriga ahayn ee ay sameyneyso dowladda Mali .
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay safaaradaha Washington ee saddexda dal ee Afrikaanka ay ku leeyihiin halkaasi.
Sharciga ganacsiga ee AGOA wuxuu siinayaa wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika canshuur la’aan inay ku galaan Mareykanka haddii ay buuxiyaan shuruudaha u-qalmitaanka qaarkood, sida caqabadaha siyaasadeed ee ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka iyo inay horumar ka sameeyaan dhanka xuquuqda aadanaha.
Sannadkii 2020, 38 waddan ayaa ayaa loo ogolaaday inay ku biiraan heshiiskaan AGOA.
Warbixin ay soo saartay Sabtidii, USTR waxay ku sheegtay in Itoobiya, Mali iyo Guinea laga yaabo inay wali ku soo biiraan xirmada haddii ay waa faqaan qodobada sharciga ayna u hogaansamaan.
“Waddan kasta wuxuu leeyahay halbeegyo cadcad oo loo maro dib-u-soo-celinta, maamulkana wuxuu la shaqayn doonaa dawladahooda si loo gaaro hadafkaas,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wakiilka ganacsiga ee Afrika.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii November ku dhawaaqay in Itoobiya laga jarayo nidaamka ganacsiga canshuur la’aanta ah ee ay bixiso AGOA sababo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay waqooyiga dalka.
Dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa billowday bishii Novembar ee sannadkii 2020-kii iyadoo uu socday loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya hoggaanka Tigrayga iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Tobannaan kun oo qof ayaa lagu dilay colaadda 13-ka bilood socotay, halka qiyaastii 400,000 ay macluul ku wajahayaan gobolka Tigrayga.
Colaadda ayaa sidoo kale khalkhal galisay gobolka, iyadoo tobanaan kun oo qaxooti ah ay galeen dalka Suudaan, iyadoo askarta Itoobiya laga soo saaray Soomaaliya, waxaana loo adeegsaday ciidamada dowladda ay deriska yihiin ee Eritrea.
Go’aanka Maraykanka ku hakiyay faa’iidooyinka ganacsi ee Itoobiya wuxuu halis ku yahay warshadaha dharka ee dalka, kuwaas oo bixiya noocyada moodallada dduunka, iyo rajada curdinka ah ee waddanku ka qabo in uu noqdo xarun wax soo saar fudud leh.
Wasaaradda Ganacsiga ee Itoobiya ayaa sheegtay bishii Novembar inay aad uga xun tahay ku dhawaaqista Washington, iyadoo sheegtay in tallaabadani ay wax ka bedeli doonto faa’iidooyinka dhaqaale iyo inay si aan caddaalad aheyn u saameynayso oo waxyeello u gaarsiineyso haweenka iyo carruurta.