Argagaxisada Al-shabaab Oo Quus Joogta

0
606

Shacabka Soomaaliyeed ayaa markaan bilaabay howlgallo lagu baacsanayo ururka argagaxisada ah ee Al-shabaab, kadib markii ay bilaabeen iney laayaan shacab aan waxba galabsan.

Gobolka Hiiraan ayaa hogggaanka u haya howlgalka la dagaalanka argagaxisada, waxaana ku xiga gobollada Galgaduud iyo Mudug, oo iyaguna howlgalladaasi wada.

Deegaanno ku dhow degmooyinka Baxdo iyo Maxaas ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan uu ka soconayo dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeya shacabka iyo Al-shabaab, waxaana jira khasaare aad u xooggan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkan ay guulo waaweyn ka gaareen shacabka, waxaana weli uu yahay mid socda.

Al-shabaab ayaa hadda quus ballaaran joogta, waxaana ay la yihiin meel ay gambaad ka dhigtaan, aag walbana dagaal culus ayaa uga bilowday.

Mohamed Abukar Kulmiye
Wararka Marqaati

LEAVE A REPLY