Madaale Oo Bedalaya Cumar Filish

0
642

Inkastoo weli aan si rasmi ah loogu dhawaaqin, hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho u magacaabi doono Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horay xilkaan usoo qabtay.

Ilo ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marqaati u xaqiijiyey in saacadaha soo aaddan ay soo bixi doonto wareegtada uu madaxweynaha ku magacaabayo Madaale.

Madaale ayaa ka tirsan xisbiga Xasan Sheekh ee UPD, sidoo kalena horay xilkaan wuxuu usoo qabtay xilligii hore ee Xasan dalka madaxweynaha ka ahaa.

Cumar Filish oo lagu tiriyo Nabad iyo Nolol ayaa maalmahan dambe waxa uu waday dedaal xooggan oo uu ku doonayey in xilkaan loogu dhaafo.

Waxaa jiray siyaasiyiin kale oo xitaa iyaguna dedaal u galay in xilkan loo magacaabo, hase ahaatee hadda Madaale ayaa ugu cadcad.

Mohamed Abukar Kulmiye
Wararka Marqaati

LEAVE A REPLY