Xogta Qaraxa Ka Dhacay Baraawe

0
545

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay halka 8 Ruux oo 7 kamid ah Shacab yihiin ay ku dhaawacmeen qarax Miino oo Barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ahaa miino la geliyay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo kutaalla Busteejada laga raaco gaadiidka aada dhinaca degaanka Kuunya-barow, waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Qaraxa kadib Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka degmada Baraawe ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka halka Askari iyo dhaawaca 8 Ruux oo 7 kamid ah Shacab yihiin, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Baraawe si xaaladooda caafimaad loogu baxnaaniyo.

Ciidamada Ammaanka degmada Baraawe ayaa sidoo kale muddo saacado ah xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Busteejada laga raaco Gaadiidka aada degaanka Kuunya-Baroowe ee kutaalla degmada Baraawe, halkaas oo uu qaraxa ka dhacay wallow ay markii dambe dib u fureen.

Maamulka degmada Baraawe & laamaha Amniga degmadas ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxa Miino ee Maanta ka dhacay degmada Baraawe, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

LEAVE A REPLY