XOG: Nabad Iyo Nolol Oo Qorshe Halis Ah u Degay Dowladda Xasan Sheekh

0
299

Xogo cusub ayaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo ku dhowaad Todobaad uga socday magaalada Doxa ee dalka Qadar kooxda Nabad iyo nolol ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah.

Xog si gaar ah aan u helay ayaa sheegeysa in shirkaan uu markii hore ku baaqay madaxweyne Hore Farmaajo, si kooxda oo kala firarsan mar kale dib loogu mideeyo, waxaana jira mas’uuliyiin badan oo Nabad iyo Nolol ka tirsan oo shirkaan uga qeybqaatay aaladda fogaan aragga.

Madaxweyne Hore Farmaajo, Agaasimahii hore ee NISA Fahad Yaasiin, Siyaasi C/raxmaan Dheere, xildhibaanno Nabad iyo Nolol ah oo haatan ka tirsan golaha shacabka, madaxweynayaal maamul goboleed iyo xubno kale ayaa shirkaan isku wareystay, iyadoo gabagabadana laga soo saaray arrimo badan oo xasaasi ah.

Inkastoo shirka uu ahaa mid si weyn loo qarinayey, ayaa hadana ilo ku dhow Nabad iyo Nolol waxay ii sheegeen in laga arrinsaday sidii loo wajihi lahaa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmo kadib sanad jirsaneysa, wejiga cusub ee mucaaradiida dowladda iyo jihada cusub ee Nabad iyo Nolol.

Dhammaan madaxda Nabad iyo Nolol ayaa ka wada sinnaa in dhan walba lagala dagaallamo dowladda Xasan Sheekh oo sanadkeeda koowaad ku egyahay 15ka bishan May, waxaana iyadoo qadid cusub oo dagaal la isku raacay.

Sida muuqata Nabad iyo Nolol ayaa ku dhoweyd iney kala lunto, balse shirkaan ayaa ahaa dib u mideyn, iska warqabka kooxda, xoojinta bar bilowga olalahooda dooarasho ee 2026 iyo in aan dowladda Xasan Sheekh la siin fursado ay ku kasbadaan dadka.

Waxyaabaha la isku raacay waxaa ka mid ah, in marka hore gudaha dowladda laga abuuro qalqal dhanka siyaasadda ah, xildhibaannada Nabad iyo Nolol ayaa la faray iney xoojiyaan mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Xamse, haddii lagu fashilmana la keeno mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe.

Waxaa la filayaa in Nabad iyo Nolol ay Muqdisho geyso malaayiin doolar oo lagu fangareen doono mooshinno dhowr ah oo jihada looga wareerinayo dowladda federaalka, si aysan u helin fursad ay isku barto shacabka ama loo tuso waxqabad.

Qodobka Labaad ayaa ah in lacag badan lagu bixiyo dhanka warbaahinta, waxaana warar u badan dacaayad laga baahin doonaa dowladda Xasan Sheekh oo qudheeda u muuqata mid aan ku socon dardar marka loo eego mudada ay jirtay.

Xubnaha nabad iyo nolol ay ku dhex leedahay weli dowladda dhexdeeda gaar ahaan Villa Somalia waxay soo duisn doonaan xog walba oo halkaasi ka jirta iyo waliba docomentiyada loo arko inaan lala wadaagin warbaahinta balse laga dhigi doono xogo la helay iyo in dalka jiho qaldan ku socdo.

Madaxweyne hore Farmaajo aad ayuu uga caga jiidayey markii hore in uu durba noqdo mucaarad kasoo horjeeda dowladdii isaga ka dambeysay, balse saaxiibadiisa Nabad iyo nolol ayaa ku qancinaya in haddaba uu olole bilaabo si aanu qalbiyada shacabka taageersan uga bixin.

Aragtida Farmaajo ayaa ahayd in marka ugu horreyso ee uu hadlayo ay noqoto ugu yaraan marka sanad ay ka dhiman tahay dowladda hadda jirta mudadeeda xil haynta, balse sida muuqata isaga oo aan hadlayn ayuu howlihiisa wadan doonaa.

Sidoo kale waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah in Nabad iyo Nolol oo adeegsanaysa dhanka warbaahinta isku dayi doonto in dalka laga dhigo mid aanay wax shaqo ah ka dhicin gadaashooda, sidoo kalena la sumcad xumeeyo madaxda dalka iyadoo dano shaqsiyadeed la eegayo.

Maadaama siyaasiyiinta hadda hoggaamineysa dowladda federaalka SOomaaliya ee hoggaanka u hayo Xasan Sheekh iyo siyaasiyiintii dowladdii Farmaajo ay cadaawad shaqsi isku qabaan waxay doorbidayaan iyaga oo aan eegin danaha dalka iyo dadka, sumcadda qaranka iney wixii ay doonaan sameystaan taas oo aanay dowladnimada ku jirin.

Soomaaliya uma baahna siyaasiyiin daneystayaal ah oo inta ay xilka hayaan maaleysta ee waxa uu dalka u baahan yahay siyaasi daacad ah oo ka shaqeynaya dib u dhiska, hormar, cadaalad iyo sharafta dalka.

 

LEAVE A REPLY