Shir Looga Hadlayo Hanaanka Dhab U Heshisiinta Qaran Oo Muqdisho Laga Furay

0
541

Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ka furmay Shirka Soo bandhigista iyo Ansixinta Istiraatiijiyada xiriirka ee hirgalinta Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran ,kaasi oo socon doona muddo labo cisho ah oo ka bilaabaneyso 06 illaa 7-ka bishan Dec 2021, waxaana shirka soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay,agaasimayaal ka socda Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, Ururada bulshada Rayidka, Bahda Saxaafada iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mud. Saciid Cabdullahi Calasow ayaa daah furay shirka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in laga talo geliyo bulshadda Soomaaliyeed Istiraatiijiyada xiriirka ee hirgalinta Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

Ugu dambeyntii agaasimaha guud ayaa sheegay in lagama maarmaan u tahay in Bulshada soomaaliyeed la gaarsiiyo hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

LEAVE A REPLY