Ruushka Oo Digniin Kama Dambeys Ah Siiyay Jarmalka

0
700

Ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa shalay oo Talaado ahayd isweydaarsaday gantaallo iyo weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Iyadoo ay weli socdaan dagaalada u dhaxeeya labada dhinac oo wejiyo kala duwan leh.

Dhanka kale, Kiev ayaa heshay baabuurta gaashaaman ee Copenhagen, halka Moscow ay sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu dardargelinayo wax soo saarka hubka, waxayna uga digtay Jarmalka cawaaqibka ka dhalan kara ku lug lahaanshaha dagaalka ka socda Ukraine.

Ruushka ayaa weerar cusub oo gantaalo ah ku qaaday bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaal magaalooyin badan oo Ukraine ah habeenkii Isniinta iyo subaxnimadii Talaadada.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay duqeeyeen xarumaha militariga-warshadaha ee Ukraine, iyadoo la adeegsaday gantaallada riddada dheer ee cirka iyo badda.

Saraakiisha guud ee ciidamada Ukraine ayaa sheegay in tiro dad ah lagu dilay weeraradii habeenkii Isniinta, oo ay ku jireen carruur, balse ma aysan bixin faahfaahin.

Guddoomiyaha gobolka Kherson ee dalka Ukraine ayaa xaqiijiyay in saacadihii lasoo dhaafay ay sare u kaceen duqeymaha Ruushka uu ka geysanayo gobolka koonfureed ee dalkaasi.

Wuxuu intaas ku daray in Ruushka ay qaadeen in ka badan 70 weerar oo ka dhacay guud ahaan dhulka gobolka, ayna ku garaaceen in ka badan 300 oo madaafiic ah goobaha rayidka iyo goobaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, guddoomiyaha gobolka Bryansk ee dalka Ruushka, Alexander Bogomaz, ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay duqeeyeen tuulo ku taal gobolka oo ku taal xadka Ukraine subaxnimadii Talaadada.

Agab iyo ballan qaadyo:

Copenhagen ayaa ku dhawaaqday inay Ukraine siin doonto deeq cusub oo milateri oo dhan 228 milyan oo Yuuro, oo ka kooban baabuurta gaashaaman, rasaasta iyo nidaamka difaaca hawada, si kor loogu qaado awoodda Kiev ee ay ku qaadi karto weerar bilaha soo socda.

Wasaaradda gaashaandhigga Denmark ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qiimaha gargaarkan cusub uu gaarayo 1.7 bilyan oo krone, taasoo ka dhigaysa deeqdii ugu badnayd oo ay Denmark bixiso ilaa hadda.

Xirmadan gargaarka ee kaga yimid Kiev dhanka Denmark waxaa kale oo ka mid ah baabuurta gaashaaman, baabuurta miinada, hoobiyeyaal iyo buundooyinka goobta wareegta.

Goor sii horreysay, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu kala hadlay ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau in la sameeyo iskaashi difaac oo muddo dheer ah oo u dhexeeya labada dal.

Justin Trudeau ayaa ku soo qoray Twitter kaddib markii uu taleefoon kula soo xiriiray Zelensky: “Si kastaba ha ahaatee muddo kasta oo ay nagu qaadato, waa inaan taageernaa Ukraine.”

Wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Ukraine, wuxuuna yiri: “Waxaan kuu ballan qaadayaa arrintaas” Isagoo intaas ku daray in Canada ay sii wadi doonto joogitaankeeda halkaas iyada oo u adeegsanaysa kaalmadeeda militari, bani’aadanimo iyo dhaqaale.

Dhanka kale, wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaysa wasiirka difaaca Sergei Shoigu ayaa sheegtay in Moscow ay qaaday tillaabooyin lagu dardar galinayo wax soo saarka hubka, si ay u daboosho baahideeda dagaalka ay ka wado Ukraine.

Wakaalladda Wararka Ruushka ee RIA Novosti oo soo xiganeysa wasiirka difaaca Sergei Shoigu ayaa sheegtay in ciidanka ay heystaan ​​dhammaan hubka ay uga baahan yihiin goobta dagaalka sanadka 2023-ka, balse wuxuu ka codsaday shirkada weyn ee sameysa gantaallada inay laba jibaarto soo saarista gantaallada saxda ah.

Dhinaca kale, Kremlin-ka ayaa ka digay faragelinta sii kordheysa ee uu Jarmalka ku hayo dagaalka ay kula jiraan Ukraine maalin kasta.

Tani waxay ku timid war saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov isagoo ka jawaabaya hadal uu horrey u jeediyay hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS ee maxaliga ah.

Olaf Scholz ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay muhiim tahay in aan loo adeegsan hubka reer galbeedka si loo weeraro dhulka Ruushka, Isagoo tilmaamay in Berlin ay ka shaqayn doonto sidii loo hubin lahaa in hubka la siiyay Kiev aan loo isticmaalin in lagu weeraro Ruushka.

Laakin afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov wuxuu carabka ku adkeeyay in Jarmalka uusan lahayn qaab uu ula socdo arrintan, isaga oo intaa ku daray in maalin kasta faragelinta tooska ah iyo tan dadban ee Jarmalku ku hayo colaadda Ukraine ay kor u kacdo.

Peskov ayaa carabka ku adkeeyay in hubka uu Jarmalka siiyo maamulka Kiev ay ka dhigan tahay inuu dhab ahaantii ku duulay dhulka Ruushka, sababtoo ah Donbass waa gobol ka mid ah gobolada Ruushka, waxaana lagu duqeynayaa hub, waa sida uu sheegay.

Waxaa xusid mudan in 24-kii February, 2022, Ruushka inuu Ukraine ka biloobay hawlgal millatari, taasoo ay si weyn uga soo horjeesteen caalamka, iyadoo ay Moscow la kulantay cunaqabatayn dhaqaale.

LEAVE A REPLY