Nin laba Carruur ah oo Xaaskiisu dhashay ku dilay duleedka Muqdisho

0
542

Meydka labada Carruurta ah oo muddo saacado ah la’aa kalana ahaa Wiil iyo Gabar ayaa waxaa saaka laga helay Xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan degaanka Garasbaaleey una dhow Xarunta Jaamacadda Samsam ee duleedka Magaalada Muqdisho.

labada Carruurta oo da’doodu kala tahay 7 jir iyo Shan jir ayaa waxaa ku yaallay dhaawacyo kala duwan, waxaana goobjoogayaal sheegeen in mid xarig lagu sirqiyay halka midka kale ilkaha ay ka daadsanaayeen.

Qaar kamid ah Ehellada Hooyada dhashay Carruurta ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Carruurta adeeg looga diray Suuqa balse saacado badan ay maqnaayeen kadib saaka, iyaga oo si xun loo dilay laga helay meydkooda meel u dhow Gurigooda.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhacdadaan Carruurta lagu dilay ay aad uga naxeen, isla markaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay Adeerkood qaba Hooyadood.

Wararka laga helay laamaha Amniga ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tageen goobta ay wax ka dhaceen, isla markaana ay xireen Ninka lagu tuhmayo dilka labada Carruurta ah, balse aan weli la faah faahin sababta ku kaliftay in uu Carruurtaasi dilo.

Dhacdooyinka dilalka ee layaabka leh ayaa kusoo batay dalka bilihii la soo dhaafay, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii Haweeneey uu Ninkeeda ku dilay Xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY