Askari ka tirsan booliska Kenya oo toogtay lix qof oo xaaskiisu ku jirtay

0
494

Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa toogasho ku dilay shan qof oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kahor inta aanu isdilay, sida ay sheegtay hay’adda dambi baarista ee DCI.

Askariga ayaa markii hore toogtay xaaskiisa oo ku sugneyd gurigooda kahor inta uusan u la dhaqaaqin qoriga AK-47 oo uu ku toogtay afar qof oo kale, sida ay hay’adda dambi-baaristu ku sheegtay Twitter-ka, iyaga oo ku tilmaamay qofka toogashada geystay in uu ahaa “Sarkaal khaa’in ah”.

“Kadib markii uu dilay seddex qof, ayuu askarigu qorigiisa kula jeestay laba nin oo mooto watay, kuwaas oo mid ka mid ah uu geeriyooday intii lala tacaalayay,” ayuu yiri booliisku.

Francis Wahome oo ah sarkaalka u qaabilsana booliska deegaanka Dagoretti ee magaalada Nairobi ayaa goor sii horeysay xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu tirada dadka la dilay uu ku sheegay lix ruux.

Warbixin uu soo saaray booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada dhimashada ay gaareyso lix qof.

Dad careysan oo ka agdhawaa halka uu falku ka dhacay oo markii dambe dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan rabshadaha ayaa taayiro ku gubay wadada, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

LEAVE A REPLY