Maxay yihiin diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee uu Mareykanka uu siinayo UKraine

0

Xukuumadda Washington ayaa siin doonta ciidamada Ukraine qalabkii ugu dambeeyay ee qalabkeeda milatariga ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee “Droneska”, kuwaas oo ka duwan diyaaradaha kale ee caanka ah ee gudaha iyo dibadda Maraykanka laga isticmaalo si ay ay ugu taageeraan ciidamada Ukraine inay ka hortagaan ciidamada Ruushka.

Diyaaradaha “Switchblade” ee lagu soo bandhigi doono Ukraine waa diyaarado casri ah, waxayna aad uga duwan yihiin jiilka hadda jira sida “Predator” iyo “Reaper”, kuwaas oo u taagan madaxda sare ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Waxay fulisaa hawlgallo weerar ah oo ku wajahan bartilmaameedyada jirka ama bini’aadamka, marka lagu daro hawlgallada sahanka iyo xog-ururinta.

Muhiimadda ay diyaaradaha aan duuliyaha ay ku leeyihiin dagaallada ka socda caalamka ayaa kordhay sanadihii lasoo dhaafay, waxayna door muhiim ah ka cayaareen xallinta colaadaha qaarkood, sida colaaddii u dhexeysay Asarbayjaan iyo Armenia ee gobolka Nagorno-Karabakh, dilkii Jeneralkii hore ee Iiraan, Qaasem Soleimani.

Khubarada Milliteriga ayaa sheegay in Kharashaadka Caalamka ku baxa Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan ay si weyn u kordheen dhowrkii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo Ciiddanku ay 98 Bilyan oo Doollarka Maraykanka ah ku maal-geliyeen Tignoolajiyaddan.

Waa maxay sababta Washington ay u siineyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Ukraine?

Ka dib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ka hadlay fadhi muuqaal ah oo wadajir ah ee Aqalka Wakiilada Mareykanka Arbacadii la soo dhaafay, Madaxweyne Joe Biden wuxuu xaqiijiyay in Mareykanka uu u soo diri doono “Drones” si ay uga caawiyaan Ukraine inay iska difaacdo duulaanka Ruushka.

“Dadka Maraykanku waxay u hoggaansamayaan baaqa madaxweyne Zelensky ee ah in Ukraine la siiyo gargaar dheeraad ah iyo hub badan oo ay isku difaacdo” ayuu yiri Biden “Caawimaadeenna waxaa sidoo kale ku jiri doona diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo muujineysa sida ay nooga go’an tahay inaan u dirno hubkeenna ugu casrisan.”

Erayada Biden waxay la socdeen ballanqaadkiisii ​​hore ee ahaa in Washington ay sameyn doonto wax kasta oo ay awoodo si ay uga adkaato ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Waa maxay noocyada diyaaradahaan ay Washington dooneyso inay u dirto Kiev?

Maraykanka wuxuu diri doonaa 100 diyaaradood, oo ay ku jiraan laba nooc oo kala ah “SwitchBlade 300” iyo “SwitchBlade 600”, halka shirkadda “AeroVironment”, oo heshiis la gashay Wasaaradda Difaaca (Pentagon), ma aysan sii dayn sawirada model saddexaad.

Nashqada yar waxaa loogu talagalay in lagu dhufto bartilmaameedyada saxda ah ama meela ay dadka ku badanyihiin, halka moodalka dhexdhexaadka ah ay la macaamilaan baabuurta gaashaaman sida, taangiyada ama maraakiibta. Ilaa hadda lama oga noocyada loo diri doono Ukraine.

Nashqada yar yar ee diyaaradaha ayaa miisaankeedu yahay qiyaastii 2.7 kiiloogaraam, dhirerkeeduna waa 60 sentimitir, waxayna duuli kartaa 15 daqiiqo. Halka midda celceliska miisaankeedu yahay 22 kiiloogaraam, waxayna duuli kartaa 40 daqiiqo inta u dhaxaysa 25 mayl.

Diyaaradahan ayaa xawaarahoodu yahay 65 mayl saacadiiba,waxaana ku rakiban kaamirooyin iyo qalabka casriga ah ee laga hago meelaha fog,taas oo ka dhigan in marka ay haleelaan bartilmaameedkooda ay qarxaan oo aan dib loo soo ceshan karin marka la rido.

Ruushka iyo Ukraine ayaa dagaalka socda u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan, waxaana ciidamada Ukraine ay horey u haysteen diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee Bayraktar oo uu Turkiga sameeyay, kuwaasi oo soo ridaya hubka sida saxda ah loo hago.

Ukrainiyiinta ayaa qaaday weeraro aan la fileyn oo guulo laga gaaray maalmihii ugu horeeyay kadib markii uu dagaalku bilowday, balse ka dib markii Ruushku ku guulaysteen in ay kordhiyaan difaacyada hawada ee Ukraine, diyaaradahani ma aysan ciyaarin doorkii muhiimka ahaa ee ay xili hore qaateen ayuu yiri Jack Watling oo ah  Khabiir milateri oo ka tirsan Machadka Royal United Services Institute ee London.

Diyaaradahan ayaa waxaa Pentagon-ka u soo saara shirkadda “AirVironment” qiimaha diyaaradahhan ayaa sare u kacay in ka badan 150 milyan oo dollar, kaddib markii ay ku dhawaaqday in 100 diyaaradood ay geyn doonto dalka Ukraine oo ay shirkaddu soo saartay, taasoo xarunteedu tahay Virginia oo deris la ah caasimadda dalkaas ee Washington.

Qiimaha modelka yari waxa uu ku kacayaa 6,000 oo doolar halkii diyaarad, waana kharash xadidan, gaar ahaan marka la barbar dhigo 150,000 oo dollar ee gantaalka Heelifeeriya ee ay qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Diyaaradahaan ma ridaan gantaallo balse waa gantaalo laftooda, si ka duwan gantaalada caadiga ah, diyaaradahaan waxay ku dul wareegi karaan bartilmaameedyada,  waxayna sugi kartaa daqiiqadaha saxda ah, waxayna u garaaci kartaa si sax ah meeshii loo diro.

Diyaaradahani waxay faa’iido u leeyihiin in ay isku daraan awoodaha sare ee nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee caadiga ah, oo leh awood dheeraad ah oo ah habka gantaalaha ee isbeddelka ah iyada oo loo marayo barnaamijka S2S halkaas oo isku-duwayaasha GPS-ka ee goobta (GBS) ee bartilmaameedka laga soo qaado isla markiiba diyaaradda loo gudbiyo hawlwadeenk.

Waxaa la qorsheyn karaa in lagu dhufto bartilmaameedyada iyada oo aan la helin faragelin bini’aadam (robot + ama sirdoonka macmalka ah), taas oo yaraynaysa waqtiga go’aan qaadashada iyo garaacista bartilmaameedka.

Erayga Japan-ka “kamikaze” waxa uu la xiriiraa cutub gaar ah oo Japan ah intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka kaas oo duuliyayaashii milatarigu ay burburiyeen diyaaradahooda dagaalka iyaga oo ku qarxinaya bartilmaameed inta badan ahaa maraakiib dagaal.

Hawlgallada loo yaqaan ‘Switchblade’ waa kuwo is-dilaya, maadaama ay asal ahaan yihiin bam-robtik ah oo aan sidan gantaallada laga soo rido, maadaama ay dhab ahaantii tahay gantaal ama bam qaraxyo ah oo qarxiya bartilmaameedka la cayimay ilaa laga gaarayo waqtiga saxda ah ee la qaadi karo shaqo joojinta. Waxa loo qaadan karaa in ay isugu jiraan gantaallo la hago iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo isku mar ah.

Diyaaradahan ayaa taageero dhanka cirka ah siiya cutubyo ka tirsan ciidamada dhulka ee yar yar haddii ay dhacdo in ay waayaan diyaarado caadi ah, sida hadda ka jirta dalka Ukraine, halkaasoo in badan oo ka mid ah garoomadeeda diyaaradaha ay burbureen, inta badan diyaaradahooduna ay waxyeelo soo gaartay oo ay yihiin kuwo naafo ah sida ay sheegaty xogta rasmiga ah ee Ruushka.

Difaacyada Switchblade waxaa ka mid ah software elegtaroonig ah oo horumarsan iyo habab kala duwan oo lagu hor istaago ogaanshaha iyo toogashada, waxaana jira farsamooyin iyo tabo lagu dhaafo difaac kasta oo suurtagal ah.

Diyaaradahaan ayaa noqon doona mid muhiim u ah in ay taageerto awooda dabka ee ciidamada Ukraine, waxa ayna u ogolaan doontaa in ay xoogaa awood ku yeelato furimaha dagaalka hawada, maadaama ay adagtahay in la arko, gaar ahaan xilliyada habeenkii, Ruushkana ma maqli karaan dhawaqeeda.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY