Kyiv oo lagu soo rogay bandow… halka Washington uga digtay Moscow Isticmaalka khatarta nukliyeerka iyo kiimikada

0
452

Jimcaha soo socda, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u safri doona Poland si uu ugala hadlo dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Ukraine, halka Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin uu tilmaamay in Washington ay sii wadeyso taageerada dhanka ammaanka ah ee Kiev si ay isaga difaacdo waxa uu ku tilmaamay ” duullaanka Ruushka.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay halista ka dhalan karta in hubka Nukliyeerka ah loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Ukraine, isagoo carabka ku adkeeyay in adeegsiga hubka kiimikada ah ee Ruushka uu la kulmi doono falcelin weyn oo kaga timaada beesha caalamka iyo Mareykanka.

Dhanka kale maamulka Kyiv ayaa ku dhawaaqay soo rogidda bandow lagu soo rago magaalada fiidnimada Isniinta  kaas oo socon doona ilaa 23-ka Maarso.

Madaafiicda dhulka ayaa sidoo kale dib u soo cusboonaatay iyo duqeynta goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Ruushka ee ku sugan duleedka magaalada Brovary ee bariga caasimadda Ukraine ee Kyiv, halkaasi oo ciidamada Ruushka ay isku dayayeen inay xoojiyaan fariisimaha ay ku leeyihiin magaalada Prospil oo ku taal koonfur bari ee Brovary balse ciidamada Ukraine ayaa ka hortagay.

Dhankeeda, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday adeegsiga cusub ee gantaallada Kinzhal hypersonic, oo ay weheliyaan gantaallada Kalibr cruise, si loo burburiyo xarumaha militariga ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine.

Dhanka magaalada Mariupol, afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay siinayso ciidamada Ukraine iyo calooshood u shaqeystayaasha ku sugan Mariupol tobanka subaxnimo ilaa laba iyo tobanka galabnimo ee Isniinta, si ay hubka u dhigaan oo ay uga baxaan magaalada.

Geesta kale, Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in dagaallo culus ay ka socdaan Waqooyiga Kyiv, waxayna carrabka ku adkeeysay in Kyiv uu yahay bartilmaameedka ciidamada Ruushka, ayna u badan tahay in la go’doomiyo.

Difaaca Britain ayaa tilmaamay in ciidamada Ukraine ay iska caabiyeen weeraradii Ruushka ee dhanka Gostomel, waxaana inta badan ciidamada Ruushka ay 25 KM u jiraan  magaalada Kyiv.

Afhayeenka Ruushka ayaa ugu baaqay wakiilada Qaramada Midoobay, Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub iyo Laanqayrta Cas inay la socdaan hawlgalka bini’aadantinimo ee Mariupol.

Dhinaca kale, Ukraine ayaa diiday amar kama dambeys ah oo uga yimid Ruushka oo ahaa inay isku dhiibaan magaalada go’doonsan ee Mariupol.

Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha Ukraine Irina Vereshchuk ayaa u sheegtay wargeyska “Ukrania Pravda”, in aysan jirin su’aal ah in la is dhiibo ama hubka la dhigo Waxay intaas ku dartay in arrintan lagu wargeliyay dhinaca Ruushka.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ugu baaqday maamulka Ukraine inay dhigaan hubkooda, waxayna dalbatay “jawaab qoraal ah” oo ku saabsan digniinteeda ka hor shanta subaxnimo ee subaxnimada Isniinta, si loo ilaaliyo dadka iyo kaabayaasha magaalada Mariupol.

Docda kale wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay hogaamiyaha gooni u goosadka ee Donetsk in uu sheegay in ciidamadiisu ay u baahan doonaan ugu yaraan hal todobaad si ay u qaataan Mariupol.

Difaaca Ingriiska waxay sheegeen in uqeybsanaha militariga Ruushka loo yeeray markii labaad sababo la xiriira duullaankii Ukraine iyo hab-dhaqanka ciidamada Ruushka ka sameynayaan Ukraine.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY