Maraykanka iyo Japan ayaa ka digay tijaabada nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi markii ugu horreysay tan iyo 2017-kii

0
686

Written by Mohamed Abukar Kulmiye

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa Sabtida maanta ah sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato inay ridday gantaal ballistic ah oo ay ka soo riday badda hoosteeda, waana tijaabadii ugu dambeysay ee gantaalladaas, kuwaas oo kordhay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana Maraykanku uu ka digay in Pyongyang laga yaabo inay dhawaan tijaabiso bamka Nukliyeerka.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ridday kaa soo laga tuurtay xeebteeda bari abbaare 5-tii subaxnimo.

Sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed, gantaalka ayaa la rumeysan yahay in laga soo tuuray badda hoosteeda deegaanka Sinpo oo ay ku yaalaan maraakiibta quusta ee Kuuriyada Waqooyi iyo qalabka lagu tijaabiyo gantaalada noocaan ah.

Wasaaradda Difaaca Japan ayaa sidoo kale Twitterkeeda ku shaacisay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaal u muuqda gantaal ballistic ah, waxaana Idaacadda iyo Telefishinka Japan ee NHK ay sheegtay in gantaalkaasi uu ku dhacay meel ka baxsan biyaha aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Japan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wasiirka gaashaandhigga Japan Nobuo Kishi ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaal ballistic ah “waa wax aan la aqbali karin oo khatar ku ah beesha caalamka.” Ayuu yiri.

Arbacadii, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ballistic ah u ridday badda dhanka xeebta bari ee Japan.

Ku dhawaad ​​todobaad ka hor, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa wacad ku maray in uu dardar gelin doono horumarinta hubka Nukliyeerka ee dalkiisa, xilli uu ka qeyb galayay dhoola-tus militari oo aad u ballaaran, iyadoo uu weli hakad ku jiro wadahadalada ku saabsan ka joojinta nukliyeerka oo uu la leeyahay Mareykanka.

Maamulka Kim Jong Un ayaa joojiyay bilaabista ICBM-yada iyo tijaabooyinka nukliyeerka tan iyo 2017, laakiin qeyb ahaan dib ayuu u bilaabay isagoo bilaabay ICBM dhamaadkii bishii March ee la soo dhaafay, dad badan oo indha indheeya arrimahaan  ayaa sheegay in la filayo in ay sidoo kale tijaabin doonto hubka nukliyeerka, sidii uu sameeyay 6 jeer intii u dhaxaysay 2006 iyo 2017.

Mareykanka ayaa Jimcihii ka digay in Kuuriyada Waqooyi laga yaabo inay sameyso tijaabadan nukliyeerka ah ee suurtagalka ah dhawaan, waxayna soo saartay baaq cusub oo wadahadal ah in kasta oo uu taaganyahay ismari waaga diblomaasiyadeed.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Galina Porter ayaa sheegtay in Pyongyang ay diyaarinayso goobta tijaabada ee Punggye-ri, lagana yaabo in ay diyaar u tahay in tijaabo halkaas ku samayso bishan, tanina waxa ay noqonaysaa tijaabadii toddobaad ee nuclear-ka.

Waxay intaa ku dartay “falanqayntan waxay la socotaa hadaladii dhowaa ee Kuuriyada Waqooyi lafteeda,” iyadoo ku nuuxnuuxsatay in maamulka Maraykanku uu ku wargeliyay xulafadiisa xogtan ayna sii wadi doonaan “isku-duwidda iyaga.”

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Japan Nobuo Kishi ayaa Sabtida sheegay in Kuuriyada Waqooyi laga yaabo inay dhameysato diyaargarowgeeda tijaabada Nukliyeerka bishan.

Muddo toddobaadyo ah, saraakiisha Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay jiraan caddeymo muujinaya dhismayaal cusub oo laga dhisayo goobta Punggye-ri, oo ah goobta keliya ee Waqooyiga Kuuriya lagu tijaabiyo Nukliyeerka, waxaana laga yaabaa in Pyongyang ay dhawaan tijaabiso bam kale.

Goobta Bungi-ri ayaa si rasmi ah u xirneyd tan iyo 2018-kii, hadalka Porter ee ah in goobta laga yaabo in ay diyaar noqoto bishan ayaa ah mid aad u gaar ah oo ku saabsan waqtiga suurtagalka ah ee tijaabada.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY