Dagaalkii Itoobiya: Caddeymo muujinaya in dad badan la laayay oo lana gubay goobjoogayaal ayaa ka waramaya

0
502

Written by Mohamed Abukar Kulmiye

Boqollaal qof ayaa si bareer ah loog dhibaateynayaa olole abaabulan oo lagu doonayo in lagu baab,iyo caddeymaha isir sifeynta ee galbeedka gobolka Tigray ee Itoobiya, sida lagu sheegay wareysiyo lala yeeshay 15 goob-joogeyaal ah.

Sheegashadan ayaa daba socota warbixinno badan oo sheegaya in la beegsaday dadka Tigreyga ah intii uu socday dagaalka sokeeye. Waxay sidoo kale ka hor imaanayaan suurtagalnimada in la diro koox baaritaan oo madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah kuwaas oo ay hogaamin doonto dacwad oogihii hore ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah Fatou Bensouda.

Dad ka tirsan ciidamada nabad sugidda gobolka Axmaarada ee dariska la ah gobolka Tigreyga ee haysta galbeedka Tigreyga ayaa la ogaaday inay qodayeen xabaalo wadareedyo cusub, waxayna soo saareen boqollaal meydad ah, iyagoo gubaya ka dibna daabulaya wixii ka haray cadadka meydka, sida ay goob-joogayaashu ku sheegeen wareysiyo telefoonno ah.

Maamulka ayaa qiray in xabaalo la qoday balse waxay sheegeen in ay muujinayaan cadeymo muujinaya in ciidamada Tigreygu ay wadeen olole iskiis ah oo dil ah salkana ku haya dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Gonder ayaa sidoo kale daaha ka rogay xabaalo wadareedyo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin ururka Tigrayga ee (TPLF).

Dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka sokeeye ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen dilal wadareedyadaan.

Laakin warbixin dhawaan ay soo saartay hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ku eedeeyay saraakiisha Amxaarada iyo ciidamada amaanka inay ka danbeeyeen olole isir sifeyn ah oo ka dhan ah Tigrayga deegaanka.

Dagaalkan oo bilowday November 2020 ayaa daba socday khilaaf soo kala dhexgalay xukuumadda federaalka ah ee Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo kooxda TPLF oo ah xisbiga ugu weyn siyaasadda Tigreyga.

Bishii December ee lasoo dhaafay, golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar lagu dhisayo baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo gabood-fallada ay geysteen dhammaan dhinacyada isku haya colaadda.

Dowladda Itoobiya ayaa ka soo horjeesatay qaraarkan, waxayna wacad ku martay in aysan la shaqeyn doonin, iyadoo sheegtay in go’aankan uu yahay “hab cadaadis siyaasadeed ah”.

Codbixintii bishii Maarso, damaca Itoobiya ay ku doonaysay inay ku horjoogsato maalgelinta guddiga baarista ayaa ku guuldareystay. Ruushka iyo Shiinaha ayaa taageeray isku daygii ay dawladda Itoobiya ku doonaysay inay ku joojiso maalgelintan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in saddex maalmood kadib markii dhaqaalahan la ansixiyay uu olole lagu burburinayo cadeymaha gabood-fallada ka bilowdeen galbeedka Tigray.

“Dhulka ka dambeeya dugsiga Hamele Xaamushte ee magaalada Xumera waxaa lagu aasay 200 oo meyd ah oo ka tirsan qowmiyadda Tigrayga oo lagu aasay laba xabaal-wadareed, kuwaas oo ahaa dad rayid ah oo lagu xasuuqay bilihii hore dagaalka,” ayuu yiri goobjooge ka soojeeda qowmiyadda Welkyat oo ku nool Xumera.

Halka Tigrayga ama ay ka carareen aagga intii uu dagaalku socday ama ay ku jireen xabsiga, xubno ka tirsan qowmiyadda Welkyat ayaa ku haray oo waxay bixiyeen warbixinnada goobjoogayaasha.

“4-tii Abriil, Maleeshiyada Amxaarada iyo kooxda Fano [maleeshiyada] ayaa soo saaray haraaga meydadka, waxayna soo gureen xaabadii, waxay ku buufiyeen wax aanan horay loo arag, waxayna burburiyeen haraagii ay aruuriyeen. Haraaga ayaa burburay oo dambas noqday.”

Maleeshiyada Axmaarada iyo dhalinyarada Fano ayaa burburiyay haraadiga meydad ku aasan deegaan kale oo Xumera ka tirsan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

“Meydadka waxaa lahaa dad shacab ah oo laga soo bandhigay xeryo lagu hayo, meydad gaaraya 100 ayaa si wadar ah loogu aasay dhabarka dambe ee dhulka xafiiska dowladda ee machadka beeraha ee Xumera,” ayuu yiri goobjooge kale.

“Haraaga Maydadka waxa ay geeyeen xarunta machadka oo ay ka dhigeen dambas iyaga oo isticmaalaya alwaax, dab iyo kiimikooyin, iyaga oo samaynayay in wajiyada dadka la qariyey” .

Adebay waa magaalo kale oo ku taal galbeedka Tigray halkaas oo dad goob joogayaal ah ay sheegeen in la tuuray cadeymaha iyadoo la rarayo haraagii dadka.

“Subaxnimadii 10-ka Abriil, maleeshiyaadka Axmaarada ayaa afartii xabaal wadareed ka qoday kaniisadda St Abune Argawi,” ayuu yiri qof deggan Adebay.

“Waxay ahaayeen 150 qof oo rayid ah oo lagu dilay mowjadda xasuuqa ee Ogosto, waxay ku raran yihiin baabuur xamuul ah, ma garanayno halka ay geeyeen haraagii Maydadka.” Ayuu ku daray goobjoogaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in isla maalintaas la qoday xabaal wadareed kale oo ku taalla dhabarka dambe ee xafiiska maamulka dowladda hoose ee Adebay. Soddon iyo sagaal qof oo rayid ah ayaa la sheegay in lagu aasay halkaas Oktobar 2021 ka dib markii lagu ururiyey magaalada Adi Goshu ka dibna la qabtay iyagoo isku dayaya inay baxsadaan.

Sida laga soo xigtay marqaatiyada haraagii waxaa lagu raray gaari xamuul ah waxaana loo raray meel aan la garanayn.

Magaalo kale oo lagu magacaabo Beaker, oo ku taalla inta u dhaxaysa Tirkan iyo Rawyan, ayaa goob-joogayaal kale waxay ka warbixiyeen dhaqdhaqaaq la mid ah kan.

“Meydadka waxay a haayeen 70-qof oo shacab ah oo lagu xiray Beaker, waxaana la xasuuqay sagaal bilood ka hor,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

“11-kii April ayay maleeshiyada Axmaaradu soo saareen oo geeyeen magaalada Sanja ee gobolka Axmaarada.”

Xafiiska ra’iisul wasaaraha kama jawaabin codsi faallo ah, si kastaba ha ahaatee sarkaal sare oo ka tirsan qowmiyadda Axmaarada iyo afhayeenka baarlamaanka federaalka, Aagegnehu Teshager, ayaa beeniyay eedeymaha ah in si nidaamsan loo burburiyay cadeymaha.

Waxa uu sheegay in ay socoto soo saaris balse meydadka la soo saarayay ay yihiin kuwa qoomiyada Axmaarada ah oo la dilay 40-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Suurtogal may ahayn in xabaalo wadareed la soo saaro oo caalamka la tuso ilaa maalmahaas sababtoo ah TPLF ayaa dalka ka talinaysay,” ayuu yiri.

Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga ugu awooda badnaa isbahaysigii xukumayay Itoobiya sanadihii 1990-aadkii ilaa 2018-kii, markii uu xukunka la wareegay Mr Abiy.

Marqaati.com

 

LEAVE A REPLY