Erdogan oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada xaajoodka uu dalkiisu uu kugu biirayo Midowga Yurub

0
459

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka codsaday Midowga Yurub inay dib u billaabaan wada xaajoodka ka mid noqoshada dalkiisa midowga Yurub, xilli uu dhacayo shir-madaxeedka Yurub ee Brussels, kaasoo looga hadlayo horumarrada dagaalka Ukraine.

“Waxaan filaynaa in Midowga Yurub uu si deg deg ah u furo cutubyada wada xaajoodyada ka mid noqoshada oo uu bilaabo wada xaajoodka midowga kastamka iyada oo aan la gelin xisaabaad xisaabaad kale” ayuu Erdogan ka sheegay gabagabada kulan uu Ankara kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte.

Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya iyadoo dagaalka Ukraine uu u ogolaanayo Ankara inay kaalin xooggan ku yeelato fagaarayaasha caalamiga ah sababo la xiriira dadaallada dhexdhexaadinta.

Wadahadallada ka mid noqoshada Turkiga ee Midowga Yurub ayaa la bilaabay 2005-tii ee ku saabsanaa suurtagalnimada in Turkigu ku biiro Midowga Yurub waxayna burbureen sannadihii u dambeeyay, sababtoo  ah qodobada qaar ayaa laga heshiin waayay.

Dhammaadkii 2020-kii, guddiga Yurub wuxuu u arkay in Ankara ay “hakineyso” fursadaha xubinimadeeda sababtoo ah go’aannada ka soo horjeeda danaha Midowga Yurub oo ay qaadatay awgeed.

“Turkigu wuxuu sii waday inuu ka baxo Midowga Yurub, iyadoo hoos u dhac weyn uu ku yimid dhinacyada sharciga iyo xuquuqaha aasaasiga ah,” ayay guddiga ku sheegeen warbixin adag oo ay soo saareen.

Madaxda Midowga Yurub ayaa maanta oo Arbaca ah ku kulmaya magaalada Brussels shir labo maalmood socon doona loogana hadlayo dhibaatada ka dhalan karta dagaalka Ruushka uu ku hayo Ukraine.

beri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels uu ka furmo shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxda NATO, waaxda isgaarsiinta ee madaxtooyada Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shir madaxeedkan looga hadli doono tillaabooyinka iyo go’aannada la qaadan doono si loo go’aamiyo qaabka uu noqon doono mustaqbalka isbaheysiga NATO ee ku wajahan inay qabato shir madaxeedka Madrid bisha June ee soo socota.

Madaxweynaha Turkiga ayaa 9 maalmood gudahood ku qaabilay 4 hogaamiye oo ka kala socday Midowga Yurub iyo NATO.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa tan iyo bilowgii qalalaasaha Ukraine isku dayayay inay fududeeyaan dhexdhexaadinta Moscow iyo Kiev, laakiin waxay diideen inay ku biiraan cunaqabataynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY