Zelensky oo khudbad ka jeedinaya Congress-ka, iyo Washington oo ballan qaadaysaa $800 milyan oo gargaar milatari ah

0
764

Madaxweynaha Ukraine ayaa ka hadlay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii isagoo dhanka kale dalbaday kaalmo militari oo dheeri ah oo dalkiisa loo fidinayo isagoo khudbad taariikhi ah u jeediyay Congress-ka Mareykanka maanta oo Arbaco aheyd.

Volodymyr Zelensky waxa uu ku sheegay in Ukraine maalin walba la weeraro si la mid ah weeraradii September 11-keedii lagu qaaday daarihii Mataanaha ahaa ee Mareykanka isagoo tilmaamay in Ukraine ay wajaheyso duulaanka Ruushka.

Wuxuu ku celceliyay baaqiisii ​​ahaa in Mareykanka iyo xulafada NATO ay ku soo rogaan hawada Ukriane aag ka caagan duulimaadyada  isagoo yiri, “Waxaan u baahanahay inaan ilaaliyo cirka.”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa mar dambe ansixin doona 800 oo milyan oo doolar oo dheeraad ah oo gargaar milateri ah oo la siinayo Ukraine.

Zelensky waxa uu ku booriyay siyaasiyiinta Maraykanka ee kulmay in ay xusuustaan ​​weerarradoodii hore ee Peer Harbor 1941 iyo Sebtembar 11, 2001 –isaga oo sheegay in dadka reer Ukraine ay dhibaato la mid ah  weeraradaas oo kale ay la kulmaan maalin kasta.

Waxa uu hore uga dalbaday diyaaradaha dagaalka ee MiG-29 ee Polish-ka Maraykanka iyo Midowga Yurub, balse Biden ayaa diiday cabsi uu ka qabo inay dagaal ku riixdo xubnaha NATO.

Isaga oo si toos ah ula  hadlayay Biden, Zelensky wuxuu yiri, “Waxaan kuu rajaynayaa inaad noqoto hoggaamiyaha adduunka. Inaad noqoto hoggaamiyaha adduunka waxay la macno tahay inaad noqoto hoggaamiyaha nabadda.”.

Maraykanku waxa uu Ukraine siiyey hub qiimihiisu dhan yahay 1.2 bilyan oo doollar sannadkii hore, oo ay ku jiraan diyaaradaha Helicopters-ka ee Mi-17, doonyaha qoryaha iyo hubka fudud sida bam-gacmeedyada iyo qoryaha darandooriga u dhaca, sida uu qoray wargeyska New York Times.

Biden ayaa la filayaa inuu u safro Brussels toddobaadka soo socda si uu ula kulmo xulafada NATO oo uu uga qaybgalo shir madaxeedka madaxda Midowga Yurub.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY