Xog: Sidee kusoo laabtay wasiirka kaliya ee ka haray xukuumaddii R/W Rooble?

0
1489

Xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa ku cusub arrimo badan oo aan hore uga dhicin xukuumadihii hore, iyadoo inteeda badan uu soo magacaabay madaxweynaha la doortay 15-kii May 2012 Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha aan hore loo arag waxaa ka mida inuu ka mid yahay wasiir dib ugu soo laabtay xilkiisa oo aan u baahan inuu xilka la wareego, kaasoo lagu soo celiyay wasaaradii uu u magacaabay ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shalay xilka halkiisii ka sii watay, wuxuuna xarunta wasaaradda gaashaaandhigga xilalkii ugu kala wareejiyay wasiir ku-xigeenka cusub iyo wasiiru dowlaha.

Wasiir Jaamac, oo Rooble u magacaabay wasaaradda gaashaaandhigga xilligii uu taagnaa dagaalkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Farmaajo, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh mar kale xilkaasi u magacaabay, taasoo ay ugu wacan tahay rabitaanka Madaxweynaha.

Wasiir Jaamac wuxuu khilaaf ba’an kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo diiday inuu u tartamo kursiga beshiisa. 

Dhinaca kale, waxaa magacaabistiisa Golaha Wasiirada cusub si weyn u diidanaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe oo watay xildhibaan iyo wasiir hore Fowsiya Maxamed Sheekh, laakiin waxaa ku adkeystay oo awoodiisa isugu geeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jaamac ayaa waxaa sidoo saaciday inuu xiriir wanaagsan la leeyahay dowladda Turkiga, oo muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaaliya, maadaama uu horey u ahaa safiirka Soomaaliya ee Turkey. 

Qaabka madaxweyne Xasan Sheekh kusoo xulay inta badan Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay labad qodob oo kala ah: Inuu si weyn ugu kalsoon yahay shaqsi ahaan iyo Inuu Aqoon u leeyahay, waxaa kaloo muhiim ahayd inuu toos uga amar qaato Madaxweynaha.

Mohamed Abukar Kulmiye
Marqaati.com

LEAVE A REPLY