Wasiir Khadiijo Diiriye Oo Lagu Dheggan Yahay

0
892

Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda gargaarka ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey wasiirka wasaaraddaas in ay si bareer ah uga jartay mushaharkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen, iyagoo weliba ah shaqaale rasmi ah oo imtixaan ku helay shaqooyinka ay hayaan.

In eeddan ay shaqaalahaas tirsanayaan jirto waxaa BBC-da u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda oo magaciisa in la sheego ka cudur daartay.

Haddaba shaqaalahaas oo ah lix iyo toban qof oo isku deegaan ka soo jeeda ayaa sida ay qabaan tirsanaya in lagu faquuqayo deegaanka ay ka yimaadeen awgii, wasiirka wasaaraddana ku eedaynaya in ay ku beddeshay shaqaale deegaankeeda ka soo jeeda.

Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah lix iyo tobankaa qof ee tabashada qaba, ayaan isaga oo Garoowe jooga telefoonka kula xiriirnay oo aan waydiinay waxa ay tirsanayaan.

LEAVE A REPLY