Wariye Farhia Abdalla Muumin Oo Caawa Ka Badbaadday Qorshe Halis Ah Oo Lagu Dili Lahaa

0

Wariye Farhia Abdallada Muumin oo Ka Tirsanayd Wariyaasha RTN Somali TV horayna uga soo shaqeysay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho iyo Raadiyaha Ergo ayaa xilli ay caawa kasoo baxday goob lagu fiidsado oo ku taalo  Beerta nabada degmada ee Xamar weyne ayey dabley hubeysan kala kulantay weerar ay doonayeen in ay nafta ku dhaafiyaan.

Farhia ayaa oo saarneyd mooto nooca Bajaajta loo yaqaan ayaa waxaa isku soo hor jartay mooto kale oo Bajaaj ah, taas oo ay saarnaayeen rag hubeysan, xilli ay mareysay xaafadda Baar ha I dhaafin ee degmada Waabri.

Waxaa xigtay rasaas culus oo lagu furay mootadii ay la socotay wariye Farhia, halkaas oo dhaawac uu kusoo gaaray wadihii mootada, balse nasiib wanaag waxay farhia ku carartay goob aan halkaas ka fogeyn oo ay ku sugnaayee ciidamada Booliiska, kadib markii ay Mootada iska tuurtay.

Ciidankii Booliiska ayaa durba ku guuleystay badbaadinta Farhia, waxaana daqiiqado kooban halkaas ka dhacday is rasaaseyn dhexmaratay ciidanka dowladda iyo kuwa raggii weerarka ku qaaday wariyaha, kuwaas oo ugu dambeyn goobta ka baxsaday.

Farhia xaaladeeda aad ayeey u wanaagsan tahay, marka laga reebo shoog ay qaadday iyo jugta soo gaartay marka ay mootada iska tuurtay.

Dhanka kale, taliska Booliiska degmada Waaberi oo aan la xiriirnay waxa uu sheegay iney ku raad-joogaan raggan hubeysan, sidoo kalena waxay tilmaameen in xaaladda Farhia ay wanaagsan tahay, ayna ku hayaan goob ammaan ah.

Farhia Abdallada ayaa ka mid ah gabdhaha suxufiyiinta ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku dhiiraday ka shaqeynta arrimaha xuquuqda haweenka, ka dhiidhinta tacadiyada Dumarka, u doodista dadka dulman ee lagu xadgudbo bini’aadannimadooda iyo sidoo kale soo gudbinta warbixinnada bulshada muhiimka ah.

Suxufiyiinta Muqdisho ayaa mar walba la kulmay dil, dhaawac, xarig iyo weerar kaga yimaada ururada argagaxisada iyo dowladda Soomaaliya.

Marqaati News

LEAVE A REPLY