Wafdi ka socda Xamaas oo booqasho ku tagay Moscow iyo madaxweynaha Israa’iil oo Lavrov ka dalbaday inuu raaligelin ka bixiyo hadal uu ka yiri Yuhuudnimada madaxweynaha Ukraine.

0
469

Written by Mohamed Abukar Kulmiye

Wafdi ka socda ururka Xamaas ayaa gaaray magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, si ay uga wada hadlaan arrimo kala duwan, xilli Israa’iil ay ka dalbatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka inuu raali gelin ka bixiyo hadal ka soo yeeray Yuhuudda oo uu sheegay madaxweynaha Ukraine.

Ilo wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in wafdi ka socda dhaqdhaqaaqa Xamaas ay arbacadii galenkii dambe gaareen caasimadda Ruushka ee Moscow, si ay wadahadallo ula yeeshaan mas’uuliyiinta Ruushka oo ku saabsan dhowr faylal.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, wafdiga ayaa la kulmi doona madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, oo booqasho laba maalmood ah qaadan doonta.

Wuxuu intaas ku daray in wafdiga uu hoggaaminayo xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda Xamaas ahna madaxa xafiiska xiriirka caalamiga ah, Muusa Abu Marzouk, waxaana ka mid ah laba xubnood oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa oo kala ah Hossam Badran iyo Fatxi Hammad.

Waxa uu tilmaamay in booqashadan ay ka dambeysay casuumaad ay u fidisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, isla markaana ay ka wadahadlayaan dhowr faylal, oo ay ku jiraan dadaallada Ruushka ee la xiriira horumarinta qadiyadda Falastiin.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jirto xiisad ka dhex aloosan Ruushka iyo Israa’iil ee ku wajahan dagaalka ka socda dalka Ukrain, ka dib hadal uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov oo sheegay in cidda ugu wayn ee Yahuudda necebtahay inay yihiin, isla markaana ay Israa’iil dalbatay in Moscow ay raalli-gelin ka bixiso hadalkaas.

Dhamaadkii sanadkii hore, Moscow waxay qaabishay wafdi ka socday Xamaas oo ku saabsanaa dadaallada lagu soo nooleynayo dib u heshiisiinta Falastiin, waxayna ku casuuntay martigelinta wadahadalka Falastiin, laakiin ma dhicin sababo aan la garanayn awgeed.

madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ka codsaday in uu raaligelin ka bixiyo hadallada ku saabsan Yuhuudnimada madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, iyo xiriirka ay la leedahay Naasinimada.

Isagoo tixraacaya hadallada Lavrov, Herzog wuxuu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Hebrew ee Haaretz, “Runtu waxay tahay inaan akhriyay dhowr jeer, markii hore ma rumaysni in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka uu yiri sidaasi.”.

“Waxaa iga xanaajiyay oo aad iiga careysiisay Todobaadyadaan oo dhan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Lavrov wuxuu doortay todobaadka aan ku xasuusaneyno Holocaust si uu u faafiyo been-abuurka xun ee urta nacaybka, waxaan filayaa inuu dib uga noqdo oo uu raaligelin bixiyo. ayuu hadalkiisa raaciyay.

warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Lavrov uu ku sheegay wareysi uu siiyay mid ka mid ah telefishinada Talyaaniga in “xaqiiqda ah in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu yahay Yuhuudi macnaheedu maaha inay ka maqan yihiin canaasiirta Nazi ah oo dalkiisa ah.

Isaga oo ka jawaabaya, wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid, waxa uu sheegay in hadalka Lavrov ay yihiin “hadal cad oo aan la cafin karin iyo khalad taariikhi ah oo xun”.

Laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay  ku sheegtay in “taariikhda, nasiib darro, ay goob joog u noqotay tusaalayaal naxdin leh oo iskaashi dhex mara Yuhuuda iyo Naasiyiinta. Poland iyo waddamo kale oo ku yaalla Bariga Yurub, Jarmalka warshadaha ayaa Yuhuudda u magacaabay madax ka mid ah Ghettos iyo Golayaasha, qaar ka mid ah kuwaas oo lagu xasuusto falalkoodii ugu arxanka darnaa”.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Madaxweynaha Ukraine asal ahaan uu ka soo jeedo Yuhuuda aysan ahayn dammaanad ka ilaalinta faafitaanka Naasinimada cusub ee Ukraine.

Israa’iil waxay dhexdhexaadisay Ruushka iyo Ukraine bilawgii xiisadda iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

“Hadaladii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Lavrov ee ka dhanka ahaa Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, Yuhuuda iyo Hitler ma ahayn kuwa carrabka ka siiban, waxay qayb ka ahayd olole ula kac ah oo sii kordhaya oo lagu beegsanayo Israel,” ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay israa’iil.

Marqaati.com

 

LEAVE A REPLY