Turkiga oo ku booriyay Liibiya inay ka fogaato tillaabo kasta oo horseedi karta colaad hor leh

0
590

Turkiga ayaa ku booriyay Liibiya inay ka fogaato tallaabo kasta oo horseedi karta colaad hor leh, wuxuuna ugu baaqay madaxda wadankaas inay raacaan dariiqa Dimuqraadiga ah iyadoo ay jirto xiisad ka dhalatay gacan ku haynta laanta fulinta ee dalkaas.

Qalalaasaha siyaasadeed ee Liibiya ayaa cirka isku sii shareeray tan iyo markii uu burburay doorashooyinkii loo qorsheeyay inay dhacaan bishii December, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo la doonayay in lagu mideeyo dalka ka dib sannado badan oo fowdo iyo dagaallo ka dhashay ka dib kacdoonkii ay taageereysay NATO 2011-kii.

Turkigu waxa uu taageero iyo tababaro millatari siiyay dawladdii hore ee Liibiya ee la oran jiray midnimo qaran, waxana uu ka caawiyay inay iska caabiso weerar bilo qaatay oo lagu ku qaadeen caasimadda Tripoli, oo ay bilaabeen ciidammada bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Sarreeyo Gaas Khaliifa Xaftar ee shaqada ka fariistay.

Ankara waxa ay taageertay geeddi-socod nabadeed balse waa ay aamusnayd tan iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay Liibiya ka dib markii la dhisay laba dowladood oo iska soo horjeeda.

Ka dib kulan qaatay ku dhawaad ​​afar saacadood oo uu guddoominayay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Arbacadii, golaha ammaanka qaranka Turkiga ayaa sheegay in “xasiloonida Liibiya ee lagu gaaray naf-hurnimada” ay tahay fursad lagu gaaro nabad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Goluhu wuxuu ugu baaqay dhinacyada ay khusayso ee Liibiya inay “ka fogaadaan tallaabooyinka keeni kara inay qarxaan isku dhacyo cusub,” wuxuuna ku booriyay mas’uuliyiinta halkaas “inay raacaan hababka dimoqraadiyadda ee ku salaysan sharciga si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta”.

Tan iyo markii la afgambiyay taliskii Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii, dalka Liibiya waxaa ka socday qalalaase ka dhashay kala qeybsanaan iyo isku dhac awoodeed kaas oo sababay sare u kaca saameynta kooxaha hubeysan iyo faragelinta dibadda.

Bishii Maarso 2021, dowlad ku meel gaar ah oo uu madax ka yahay Abdel Hamid al-Dabaiba ayaa la dhisay ka dib wadahadal u dhexeeyay dhinacyada Liibiya oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay oo ka dhacay Geneva, waxaana loo qorsheeyay in ay la wareegto marxaladda ku meel gaarka ah ilaa inta laga gaarayo qabashada madaxtinimada iyo Doorashadii sharci dejinta ee bishii December ee la soo dhaafay, laakiin doorashooyinku ma dhammaan sababo amni darteed.

Bilowgii bishan, baarlamaanka Liibiya ee fadhigiisu yahay bariga wadankaas ayaa kalsoonida siiyay dowlad cusub oo uu madaxweynaha ka yahay Fatxi Bashagha, balse xukuumadda Dabaiba waxay diiday inay ku wareejiso hay’adaha ku yaalla Tripoli iyadoo marmarsiiyo ka dhigtay in dowladda cusub la soo dhiso doorashada kaddib. Sidaa darteedna inay Liibiya ay midowdo mar kale  sidii dhacday intii u dhaxaysay 2014 iyo 2021.

Golaha Ammaanka ayaa todobaadkii hore kulan ka yeeshay arrimaha Liibiya, kaasoo ay quwadaha waaweyn iyo Qaramada Midoobay si weyn uga taxadareen qalalaasaha siyaasadeed ee dalka gilgilay, iyagoo aan la safan labada dhinac, marka laga reebo Ruushka oo si cad u sheegay inuu taageersan yahay Baashaa.

Marqaati.com

LEAVE A REPLY