Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0
539

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay illaa 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.

Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis, ciidanka booliiska waxaa la dhisay sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.

1960: Ciidanka xoogga dalka waxaa la aasaasay  April 12, 1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale.

Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8 horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari.

Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis , Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain  ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka.

Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka dalka iyo dadka.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh,  inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida.

Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay ilaa 4000 oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga tagay, 2000 oo ahaa askar  la qoray iyo 1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha Ingiriiska.

Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah.

Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee “Digtoonow”,  “Joogso”,  “Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah.

Pan-Somalism(Somaliweyn):

July 1, 1960: Waxaa Xoriyad qaatay dalkeena Soomaaliya, waxaa midoobey labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya, maalintaas faraxdda kuma koobneen oo keliya labadii midowday.

Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti), waxaa ka yimid halgamaagii weynaa Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid Koofur Galbeed iyo NFD.

Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda Soomaaliyeed, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn iyo sidii gacnta Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dhulka maqan.

Ciidanka:

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud.

Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa 35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.

Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD.

Dagaallada:

1964: Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidankeenna uu galo waa dagaalkii xadka ka dhacay ee 1964-tii waxaa xiligaas taliyaha ciidanka xoogga dalka ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi,, dagaalkan oo ka dhacay Wajaale iyo goobo kale, waxaa ku adkaaday ciidankeenna qalabka sida waxaa dagaalkaas ku soo caan baxay Salaad Gabeyre, waxaa dadkii halkaas ku shahiiday ka mid ahaa geesigii diiday in calankeena uu dhulka ku dhaco ee Xalane.

1977: Dagaalkan oo loo yaqaano xoreynta Soomaali galbeed waxaa ciidanka xoogga dalka lagu xasuustaa geesinnimo xad dhaaf ah, waxaa ay furumaha cadawga xabashida ay ku jiireen saacado kooban.

Taliyeyaashii Soomaalida ee dagaalka hogaaminayey waxaa ay sheegeen in xabashida ay si lama filaan ah u jabtay, ciidamada geesiyaasha Soomaalida waxaa ay gacanka ku dhigeen inta badan dhulka Soomaali Galbeed sida Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, waxaana qalqal galay maamulka Mengistu Haile Mariam.

Dagaalkaas oo ka mid noqday dagaallada dunida ka dhacay xiligii dagaalkii Qaboobaa, Jaamacadaha la dhigo, dalalka Ruushka iyo Cuba ayaa qiyaaney dalkeena iyagoo si lama filaan ah gacan u siiyay xabashiga tiiyoo keentay in ciidanka xoogga dalka uu soo jabo.

Taliyeyaashii ciidanka xoogga dalka 1991-dii Ka Hor:

Ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud ka noqday taliyeyaal badan oo magac ku lehaa ciidanka dhexdiisa.

1960-kii, Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xoogga dalka waxaa uu ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi, isaga ayaa mas’uul ka ahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo in ciidankeeda uu ku guuleysto dagaalkii ugu horeeyay xoriyaddii kadib.

Taliyeyaasha kale, waxaa ka mid ahaa:

Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Cumar Xaaji Massalle,  Maxamed Xersi Morgan iyo Aden Gabyow…. Waxaa xusid mudan in Jaalle Siyaad uu ciidanka taliye u ahaa min 1969-1991-dii.

 

LEAVE A REPLY