Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda

0
527

Gudoomiyaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose Sayid Cali Ibraahim ayaa xaqiijiyay in sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ka dib markii ay la yeesheen wadahal.

Shaqsiga isasoo dhiibay ayaa shabaab ugu Magacownaa Guddoomiyaha maxkamadda  Kuntur-waarey waxaa lagu magacabaaa  Maxamed Xasan Macalin oo magaciisa afgarashadu yahay (Abu-cali).

Maxamed Xasan Macalin (Abu-cali) ayaa sidoo kale aruurin jiray dhaqaallaha deegaanka Kunto waarey , waxaana uu isa soo dhiibay habeenadii xalay aheyd sida uu sheegay gudoomiyaha Qoryooley.

Maamulka degmada ayaa sheegay in isasoo dhiibistiisa ay timid dadaallo ay sameeyeen laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn Al-Shabaab ugu xooggan yihiin, waxaana ay weeraro ku qaadaan saldhigyada ciidanka dowladda.

LEAVE A REPLY