Saciid Deni Oo Isku Diyaariyey Dagaal Ka Dhan PSF

0
648

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku gacansayrtay baaqii ay shalay gelinkii dambe soo saareen isimada Bari ee dhexdhexaadinayay hoggaanka ciidammada PSF iyo maamulkaasi.

Bayaanka ka soo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay in ciidammada PSF iyo hantidooda oo isugu jirta hub, gaadiid, guryo iyo agab kalaba ay yihiin hanti ay leedahay dowladda Puntland.

Arrintaas oo ka hor imaanaysa qodob ku jiray bayaankii isimada Bari oo sheegayay in agaasimaha PSF ee diiday inuu xilka wareejiyo la siiyo hubka iyo guryaha saldhigga u ah ciiddanka uu hogaamiyo.

Dhanka kale Puntland ayaa sheegtay in Maxamuud Cismaan Diyaano uu sida ugu dhaqsaha badan ku wareejiyo hantida PSF.

“Puntland waxay fareysaa agaasimihii hore ee PSF mudane Maxamed Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan uu wareejiyo dhammaan hantida hay’adda PSF kuna wareejiyo ciidanka PSF iyo agaasimaha cusub”

LEAVE A REPLY