Puntland oo kahor timid magacaabistii C/kariin Guuleed

0
565

Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay magacaabidda ergayga arrimaha Somaliland ee uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

Wasiirka warfaafinta Punland, Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa ku tilmaamay magacaabidda ergayga Somaliland arrin siyaasadeed oo aan xilligeedii joogin, laguna dulminayo xuquuqda gobolada SSC.

Wasiirka warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya looga fadhiyo magacaabidda ergayga arrimaha bini’aadinimo ee dadka ku barakacay colaadda gobolka Sool.

“Maanta waxaa u baahan in xuquuqdooda la ilaaliyo dadkii ku noolaa magaalada Laascaanood ee guryahoodii laga barakaciyay, oo in ka badan 80,000 ay Itoobiya u barakaceen oo ay geedaha hoostooda ku jiraan, inaad u magacowdid ergay gaar ah oo beesha caalamka kala shaqeeya isku dubaridka gargaarka looo fidinayo dadkaas, si ay guryahoodii ugu noqdaan,” ayuu yiri wasiirku.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ayaa iska fogeeyay inay Puntland ku lug leedahay dagaalada Laascaanood. Wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay ku qarinayso madaafiicda ay ku garaacayso goobaha shacabka ee Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY