Mucaaradka DFS: Farmaajo Ciidankii Uu Kusoo Tababaray Eretria Oo Nagu Qabsan Rabaa

0
20125

Maalmaha soo aaddan waxaa la filayaa in dalka ay dib ugu laabtaan boqolaal ka mid ah ciidamada xoogga dalka oo muddo Tababar ugu maqnaa wadanka Eretria, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgal culus oo dowladda federaalka dooneyso iney ka fuliso qeybo ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-sabaab.

Ciidamadan ayaa soo dhammeystay tababar aad u adag, waxaana marar badan la sheegay in qaarkood ay ku dhinteen dagaalladii cuslaa ee ka socday gobolka Tigrayga, hase ahaatee dowladda federaalka ayaa warkaasi horey u beenisay.

Ciidamadan ayaa sidoo kale haddii ay dalka usoo laabtaan iyaga oo wada dhan waxay ka dhigan tahay in meesha ay kabixi doonto eedeyntii dowladda federaalka loo jeediyey ee ahayd in dhallinyaro baddan loo qaaday dagaalka Tigrayga.

Dhinaca kale, xogta aan helayno ayaa waxay sheegeysaa in ciidamadan intooda badan laga dejin doono magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana ay fulin doonaan howlgal la isugu furayo gobollada Baay iyo Bakool oo AL-SHABAB muddo xadhibeen.

Sidoo kale, dhanka Shabellooyinka ayeey ciidamadan weerar ku qaadi doonaan meelaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin.
Ulajeedka kale ayaa la sheegayaa in ciidamadan ay dib u xoreyn doonaan magaalada Bu’aale oo ah caasimadd gobolka Jubbada Dhexe, sidoo kalena ah xarunta Jubbaland.

Inkastoo qorsheyaasan ay socdaan, hadana waxaa soo baxaya cabsi xooggan oo ay mucaaradka Soomaaliya ka muujiyeen ciidamadan oo ay sheegeen in dano gaar ah loo adeegsan doono.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweyne ayaa sheegay in ciidamadan la doonayo in madaxweyne Farmaajo uu ku qabsado magaalooyinka Bu’aale, Muqdisho iyo Garoowe.

Mucaaradka oo horey warbaahinta ugu sheegay in dhammaan askartan ay ku dhammaadeen dagaalkii Tigrayga, ayaa hadda waxa ay wajahayaan cabsi xooggan.

Geesta kale waalidiinta dhallinyaradan oo muddo badan warbaahinta la hadlayey sheegayeyna in ay la yihiin caruurtooda ayeey geesta kale farxad u noqon doontaa, dib usoo laabashada caroortooda oo weliba qaranka u adeegaya.

LEAVE A REPLY