MD Xasan Oo Culeys Saaray Somaliland, Laascaanood Awgeed

0
530

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga shaqeenaysa in Somaliland cadaadis xooggan lagu saaro sidii ay ku joojin lahayd dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, iyadoo dowladda ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay xubno ka mid ah beesha caalamka uu ka dalbaday in Somaliland la faro iney degdeg ciidanka uga saarto Laascaanood si loo damiyo xiisadda magaaladan iyo sidoo kale iney shacabka dib ugu noqdaan guryahooda.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo marar badan la hadllay madaxweyne Biixi ayaa faray in la dhameeyo colaadda laguna bedalo wahadahal, balse xilligaasi biixi ayaa iska diiday dalabka kaga yimid Xasan Sheekh.

Sida wararka lagu  helayo durba madaxweyne Muuse Biixi ayaa dareemay saameynta dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Labadii bil ee lasoo dhaafay aanay Somaliland  dhaqaale dhameystiran ka helin dowladda federaalka, waxaana laga jaray saamigii SSC oo la sheegay in toos loo siinayo reer SSC inta xaaladda ay weji kale ka yeelanayso.

Sidoo kale, Biixi ayaa la kulmay cadaadis kale oo ku aadan in beesha caalamka ku wargeliyeen in tallaab adag laga qaadi doono haddii aanu degdeg go’aan nabadeed kusoo saarin, ciidankana aanu kala soo bixin Laascaanood.

Hadaba arrimahan oo is biirsaday awgeed waxaa la sheegayaa in madaxweyne Biixi uu damcay inuu lasoo xiriiro madaxweyne Xasan Sheekh si xaaladda jirta wax looga bedalo, balse arrintan ma aanay u suurtagelin.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaasi ka dib wuxuu la hadlay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele bal si uu arrintan usoo farageliyo, kulanna isugu keeno isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Geella ayaa markii uu lasoo xiriiray saaxiibkiisa Xasan Sheekh waxaa loo sheegay in shuruud lagu xirayo wahadalka madaxweyne Xasan iyo Biixi, waana inuu aqbalo nabadda waliba midda ay garwadeenka ka yihiin waxgaradkii ka tagay Muqdisho ee ka socday gobollada Koonfureed.

Weli Madaxweyne Biixi maa aanu aqbalin dalabka Xasan Sheekh, hase ahaatee waxaa la warinayaa in wadatashi uu la leeyahay wasiiradiisa iyo waxgaradka Somaliland si loo gaaro go’aan mideysan maadaama nabad aan la huri doonin.

Somaliland ayaa jab weyn u aragta haddii ay ciidankeeda dib uga soo celiso magaalada Laascaanood, sidoo kale waxay u aragtaa in maamul ahaan u burburayaan haddii SSC u aqoonsadaan maamul aan iyaga ka tirsaneen.

Dagaalka Laascaanood oo aan wax natiijo ah laga gaarin ayaa weli ciidanku waxay yihiin kuwo is horfadhiya, mar walbana waxaa la saadaalinayaa in dagaal uu dhici karo, Labada dhinac dhan walba wuxuu wataa shuruud ay adag tahay in dhanka kale fuliyo.

Geesta kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo habeen kahor ka hadlay xaaladda Laascaanood wuxuu sheegay in dowladdiisa ka go’an tahay in colaadda nabad lagu bedalo, sidoo kalena laga wadahadlo wixii tabasho ah.

Xasan Sheekh ayaa u sheegay in Labada dhinac aanay dan ugu jirin in dadka micno darro loo laayo iyadoo la ogyahay in wax walba heshiis ka dambeyn doono, wuxuuna ku baaqay in la qaato talada waxgaradka Soomaaliyeed oo miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Somaliland waxay la ku lantay culeys aad u xooggan wixii ka dambeeyay bilowga dagaalka magaalada Laascaanood, waxaana go’ay dhaqaalihii Somaliland ka heli jirtay dunida, shaqadii dekadda Berbera oo yaraatay iyo mashaariic horumarineed oo laga fulinayey Somaliland oo gabi ahaamba joogsaday.

Falanqeeyaasha dhanka siyaasadda ayaa sheegaya in xalka ugu dhow ee Somaliland uu yahay iney ciidankeeda dib uga soo durjiso Laascaanood, ku baaqdo miiska wadahadalka si caalamka u arko iney nabad diyaar u yihiin.

LEAVE A REPLY