Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay militariga Eritrea

0
529

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay militariga Eritrea iyo xisbiga talada haya Jimcihii, isagoo ku eedeeyay inay gacan ka geysteen dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya.

Cunaqabatayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Ciidanka Difaaca Eritrea iyo Xisbiga siyaasadeed ee Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ee ah Xisbiga Dadka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda.

Sidoo kale waxaa liiska madow lagu daray madaxa xafiiska amniga qaranka Eritrea Abraha Kassa Nemariam; Hidri Trust, oo ah shirkadda gacanta ku haysa Jabhada Shacabka; iyo Hagos Ghebrehiwet Kidan oo ah la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga.

Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegtay in tan iyo markii ay colaaddu ka qarxeen gobolka Tigray 2020 ay ciidamada Eritrea ka qayb qaateen hurinta rabshadaha.

“Ciidamada Ereteriya waxay ka hawlgaleen guud ahaan Itoobiya intii ay socdeen colaadaha, waxayna mas’uul ka ahaayeen xasuuq, dhac iyo faraxumayn,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Bayaanka ayaa ku eedeeyay EDF iyo Jabhadda Shacabka inay gacan ka geysteen xiisadda, isla markaana ay carqaladeynayaan dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin ama heshiis nabadeed lagu gaaro

LEAVE A REPLY