Khilaafka u dhaxeeya Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo xoogeystay

0
649

Waxaa sii xoogeeysanaya khilaafka salka ku haaya habka maareynta doorashooyinka Golaha Shacabka ee u dhaxeeya Xubnaha Guddiga maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland.

Khilaafkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu dalbaday in la hakiyo doorashada 16 kursi oo horay guddigu u shaaciyeen, balse xubno kamid ah Guddiga ay dalabka Cabdi Xaashi taageereen qaarna ay kasoo horjeesteen.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada ee Somaliland C/shakuur Abiib Hayir oo soo saaray qoraal u gooni ah ayaa nasiib darro ku tilmaamay in laga been abuurtay qoraalka xubno ka tirsan Guddiga SEIT ee Somaliland ay soo saareen, isagoo caddeeyay mowqifkiisa shaqsiyadeed, isla markaana aanu isagu aheyn Guddoomiye Kuxigeen Koox gaar ah.

Qoraalka waxaa uu ku sheegay in jahwareerka siyaasadeed laga madax banaaneeyo guddiga, isla markaana aan lagu dhex milin howlaha siyaasiga, si doorashada u socoto qaabka ku cad habraacyada iyo heshiisyadii horay loo gaaray.

Xubnaha Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo ka kala socda labada Garab ee Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, waxaana ay yihiin kuwo ku loolamaya arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY