Israaiil Oo Maanta Martigelineyso Shir-madaxeedka Wadamada Carabta Iyo Mareykanka

0
614

Wasiirada arrimaha dibadda ee Masar, Imaaraadka, Marooko iyo Baxrayn ayaa gaaray Israa’iil si ay uga qaybgalaan shir ka dhacaya magaalada Negev ee Sedi Boker, kaasoo uu hoggaaminayo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken, isla markaana uu martiqaad ka helay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo Israa’iil ah, kulanka ayaa ujeedkiisu yahay sidii isbahaysi wadajir ah loogu sameyn lahaa gobolka si looga hortago Iran, waxaana lagaga wada hadlayaa walaaca Israa’iil iyo dalalka ka qaybgalaya ee ku aaddan suurtogalnimada in Maraykanku uu heshiis Nukliyeer ah la galo Tehraan, iyo in ilaalada Kacaanka Iran laga saaro liiska argagixisada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in wasiir Yair Lapid uu uga warbixiyey dhiggiisa Carabta oo ka qayb gagalay  kulanka wasiiradda ee Negev iyo weerarka Hadera.

Waxay intaa ku dartay in wasiiradu ay cambaareeyeen weerarka, halka Channel 12 ee Israa’iil ay sheegtay in kulanka Negev loo qaban doono sidii loo qorsheeyay maanta oo Isniin ah.

Blinken ayaa Ramallah kula kulmay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, wuxuuna Cabbaas ku nuux-nuuxsaday in muhiimadu ay tahay in la helo xal siyaasadeed oo soo afjaraya qabsashada Israa’iil, xallinta dhammaan arrimaha oo ay ku jiraan qaxootiga iyo Qudus – lana sii daayo dhammaan maxaabiista.

Intii uu ku guda jiray kulanka uu la qaatay Blinken, Cabbaas waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay fulinta go’aanka maamulka Biden ee ku aaddan xalka labada dowladood, joojinta dejinta iyo qalalaasaha dadka deegaanka, ilaalinta goobta taariikhiga ah ee Al-Aqsa, iyo baabiinta sharciyada u arka Ururka Xoreynta Falastiin inuu yahay argagixiso.

Jimcadii, Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay martigelin doonto shir “taarikhi ah” oo maalmaha Axadda iyo Isniinta ah dhexmari doona wasiirrada arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo 3 waddan oo Carab ah, isla markaana waxa ay daaha ka fayday saxiixa heshiiska milateri ay la galeyso Morocco.

“Casumaad uu ka helay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yair Lapid, shir-madaxeed diblomaasiyadeed oo taariikhi ah ayaa Axadda iyo Isniinta ka dhici doona Israa’iil,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil.

Wadamada Carabta ee kulanka ka qeyb galaya ayaa kala ah Morocco, Imaaraadka iyo Baxrain.

“Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Marooko iyo Baxreyn ayaa imaan doona Israa’iil si ay u yeeshaan kulamo diblomaasiyadeed oo xiriir ah,” ayay tiri wasaaraddu.

Imaaraadka iyo Baxreyn waxay caadi ka dhigeen xiriirkooda Israa’iil Sebtembar 2020 heshiis uu Mareykanku gar-wadeen ka ahaa, oo loo yaqaanay Abraham Agreement.

Dhamaadkii isla sanadkaas, Marooko waxay ku dhawaaqday inay dib u soo celinayso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Israel, ka dib markii ay hakiyeen 2002-dii.

Safaaradda Israa’iil ayaa laga furay Morocco mar uu wasiirka arrimaha dibadda Yair Lapid booqday Rabat bishii Ogosto ee la soo dhaafay.

Waxaa sidoo kale dib loo furay xafiiska xiriirka Morocco ee magaalada Tel Aviv, waxaana la bilaabay duulimaad toos ah oo u dhaxeeya labada dal.

Shir madaxeedkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii hogaamiyayaasha Masar, Israa’iil iyo Imaaraadka ay ku kulmeen badda cas ee Sharm el-Sheikh, iyagoo ka wada hadlay saameynta dhaqaale ee dagaalka Ruushka uu ku leeyahay Ukraine iyo saameynta Iran.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in Morocco iyo Israel ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga milatariga.

Afhayeenka ciidamada Israel, Avichai Adracii, ayaa sheegay in Morocco iyo Israel ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga milatari, oo ay ku jirto in la isugu yeero guddi milatari oo wadajir ah si ay u saxiixaan qorshe hawleed laba geesood ah.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashiga ciidamada ee dhinacyada tababarada iyo dhaqan celinta, marka laga soo tago dhinacyada howlgallada iyo sirdoonka.

Waxaa xusid mudan in dhamaadkii 2021, la saxiixay heshiis is afgarad oo dhanka amniga ah, intii lagu guda jiray booqashadii wasiirka difaaca Benny Gantz ee Rabat, ujeedadiisu ahayd abaabulka iskaashiga sirdoonka, soo iibinta amniga iyo tababar wadajir ah.

 Marqaati.com

LEAVE A REPLY