Hirshabeelle: SEIT Oo Shaaciyay Odayaasha Dhaqanka Laba Kursi

0
362

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo dooraneyso ergooyinka laba kursi.

Kuraasta kala HOP#106 iyo HOP#024 oo dhawaan lagu dooranayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa la shaaciyay odayaashooda dhaqanka.

HOP#024: waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibraahim

HOP#106: waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Miina Xasan Maxamed.

LEAVE A REPLY