Biden Oo Booqanayo Israa’iil…Kana Hadlay Gantaallada Uu Siiyay Ukraine

0
366

Warbaahinta Maraykanka iyo midda Israa’iil ayaa daaha ka qaaday in koox ka socota maamulka Maraykanka oo uu hoggaaminayo la-taliyaha amniga qaranka Maraykanka Jake Sullivan ay tan iyo Axaddii isku diyaarinayeen booqasho ay suurtogal tahay inuu Madaxweyne Joe Biden ku yimaado dabayaaqada bisha June ee sannadkan Tel Aviv.

Shabakadda wararka ee “Axios” ayaa ka soo xigatay mas’uuliyiinta Israa’iil in lataliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan iyo dhiggiisa Israa’iil, Eyal Holata ay ka wadahadleen in la qabto shir heer gobol ah oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha gobolka inta lagu guda jiro booqashada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee Bariga Dhexe.

Wuxuu intaas ku daray in aan waqti kama dambays ah loo qaban booqashada Biden, balse la filayo inay dhacdo labada toddobaad ee ugu dambeeya bisha Juun.

Axios ayaa tilmaantay in booqashada Biden la filayo in ay noqoto mid kooban, lagana yaabo in ay qaadato 36 saacadood, inta uu ku guda jiro waxa uu la kulmi doonaa saraakiisha Israa’iil ee ku sugan magaalada Jerusalem ee la haysto iyo Falastiiniyiinta Beytlaxam.

Labo sarkaal oo Israa’iil ka tirsan ayaa Axios u sheegay in muhiimadda kulanku uu ku yimid xaqiijinta go’aanka Mareykanka ee Bariga Dhexe, xilli la arkayo Mareykanka oo isu diyaarinaya inuu ka baxo gobolka.

Waxay tilmaantay in tani ay noqon doonto booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biden ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Janaayo 2021.

Toddobaadkii hore, Aqalka Cad iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay laba bayaan oo kala duwan in Biden uu ku wargeliyay Naftali Bennett taleefoon uu kula hadlay inuu aqbalay inuu dhawaan booqdo Israel.

Bennett waxa uu horay u booqday Aqalka Cad bishii Ogosto 2021, halka Biden uu hore u booqday Israa’iil sannadihii 2010 iyo 2016 markii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Barack Obama.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhanka kale sheegay in gantaallada Javelin-ka ah ee Mareykanka uu u diray Ukraine ay sameeyeen isbedel dhab ah iyo “in aan ku faano”,  ayuu yiri balse wuxuu qiray in taageerada dalkiisa ee Kiev ee dagaalka ay qarash badan ku bixi doonto.

Biden ayaa khudbadiisa maanta ku xaqiijiyay inuu ka codsaday Congress-ka dhaqaale dheeraad ah si gargaar iyo sahay dheeraad ah loo gaarsiiyo Ukraine, si ay uga hortagto gabood-fallada uu Ruushka geystay.

“Gantaalada Javelin ee aan soo saarnay oo aan u dirnay Ukraine waxay wax ka beddeleen nolosha dadka, in badan oo ka mid ah gantaalladan iyo sidoo kale nidaamyada kale ee difaaca ayaa dhowaan imaan doona Ukraine,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa carabka ku adkeeyay in taageerada Washington ay u sahashay dadka reer Ukraine in ay sii wadaan dagaalka, wuxuuna dagaalkan ka dhigay mid fashil ku ah Ruushka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in siyaasadda dalkiisa ay tahay in Ukraine laga taageero dhanka milateriga si ay uga adkaato ciidamada Ruushka iyada oo aan halis loo gelin in uu dhaco dagaalkii saddexaad ee adduunka.

Sida laga soo xigtay Biden, geesinimada dagaalyahannada Ukraine ee difaaca dalkooda waa wax cajiib ah, isagoo xusay in dadka reer Ukraine ay u qalmaan si ka wanaagsan sidii ay uga adkaan lahaayeen gardarrada Ruushka.

 marqaati.com

LEAVE A REPLY