AS Oo Markooda La Qiyaamay, Weerarka Ka Dhacay Mudug

0
480

Dagaal aad u xooggan islamarkaana u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Alshabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cali Qaboobe, kaas oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo  khasaare uu ka dhashay.

Dagaalkan wuxuu ahaa mid qorsheysan oo weerarkiisa lahaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana la sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaankan, sidoo kalena ay dileen xubno ka badan oo ka tirsan Alshabaab.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, in ka badan 60 ka mid ah Alshabaab ayaa lagu dilay dagaalkan, waxaana sidoo kale la sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka mid ah ururkaan iyaga oo nool, hub iyo saanad kale oo ciidan.

Deegaanka markii la weeraraye waxaa la sheegay in Alshabaab aysan fileyn weerarkaan, waxaana la tilmaamay in dagaalka oo saacado socday kadib ay ku guuleysteen ciidanka dowladda.

Xogo hoose oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Alshabaab ay deegaankaan maalmahan dambe kusoo uruurinayeen ciidan badan oo ay doonayeen iney ku weeraraan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgalka ka wada gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Xeeladda ay ciidanka xoogga dalka adeegsadeen waxay ahayd mid aad u cajiib ah, iyadoo aanu dhankooda soo gaarin khasaare badan ayaa hadana waxay ku guuleysteen iney waxyeello xooggan u geystaan dhanka Argagaxisada.

Sidoo kale, waxaa lasoo warinayaa in dhanka shacabkae deegaankaasi ku noolaa aanu wax khasaare ah soo gaarin, xaaladuna haatan ay tahay mid aad u deeggan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay si wanaagsan ula dhaqmeen shacabkii ay halkaasi ugu tageen, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo ay ciidanka xoogga dalka ka wadaan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Xubno katirsan Al-Shabaab ay isku aruursanayeen degaanka Cali –qaboobe, sidaasina howlgalka ay u qaadeen, kuna dileen 60 katirsan Al-Shabaab.

Wuxu sidoo kale xaqiijiyey in howlgalka lagu qabtay Hubkii ay wateen Al-Shabaab  iyo labo gaari, sidoo kalena la burburiyay Gaari ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Howlgalkan gaarka ahaa oo Ciidamada dowladda Somaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la so dhaafay ay hakadeen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday Mamaul Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Geesta kale, waxaa socda qorshe ballaaran oo dowladda federaalka Soomaaliya ku bilaabeyso wejiga Saddexaad ee howlgalka dib u xoreynta, kaas oo lagu qaban doono guud ahaan meelaha ay weli dalka kaga sugan yihiin Alshabaab.

Howlgalka xoogiisa ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka bilowdo dhanka Jubbaland oo ah meesha ugu weyn ee ay hadda argagaxisada ku sugan tahay, iyadoo halkaasi ka haysta degmooyin ay ku jirto caasimadda Jubbaland.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay iney diyaar yihiin dhammaan ciidankii xoreyn lahaa goobaha ka maqan gacantooda, balse la sugayo ammarka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida muuqata dowladda waa ay isku diyaarisay howlgalkaan, waxaana hadda la sugayaa is diyaarinta ay ku jiraan saaxiibada caalamka, gaar ahaan dalalka laga doonayo iney dhanka hawada ka caawiyaan ciidamada kuwaas oo kala ah Maraykanka iyo Turkiga.

Sidoo kale, ciidamada sida gaarka u tababaran ayaa kaalinta ugu weyn ee dagaalkan qaadan doona, kuwaas oo la qorsheynayo in saldhigyada argagaxisada ay dusha sare uga daataan iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha ay saaxiibada Soomaaliya ku caawinayaan howlgalkaan.

Dalka amni ahaan hadda aad ayuu usoo hagaagayaa, balse waxa ugu muhiimsan ayaa ah in dowladda sii diyaarsato qorshaha xigi doona marka dalka laga wada xoreeyo Alshabaab.

LEAVE A REPLY