Al-shabaab Oo Dhacdo Argagax Ah Sameeyay

0
760

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xogo cusub ka bixiyey dagaalladii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab looga saaray deegaanadii ay sanadaha badan maamulayeen.

Taliye Biixi ayaa shaaciyey in kooxda Al-Shabaab ay sameysay wax ay la yaabeen kadib markii ay madaxa ka goosteen xubno ayaga ka tirsanaa oo looga dilay dagaal ka dhacay degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda Radio Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan seddax nin ay kooxdu madaxyadoodii horay u sii qaadatay, isagoo taas ku macneeyey in kooxdu ay diidan tahay in la aqoonsado xubnahaas oo ayaga muhiim ka dhex ahaa.

“Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxay ku tala galeen in xubnahaas aan la aqoonsan oo aan geeridooda la ogaan, laakiin waxaa mucjiso ah nin garabkaaga ka dagaalamayey markii la dilo inaad madaxa ka jarato.”

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaan lagu magacaabo Yasoomo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 45 xubnood.

Ugu dambeyntii Taliye Biixi ayaa wareysigaan ku sheegay in dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab uu yahay mid saf balaaran ah oo dowladda Soomaaliya ay qorshihiisa dejisay, balse kaalinta ugu weyn ay ka qaadanayaan shacabka Soomaaliyeed ee kacdoonka sameeyey.

LEAVE A REPLY