Abiy Axmed oo kasoo hanjabay jiidda hore ee dagaalka

0
456

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ‘dhawaan cagta la marinayo cadowga’ xilli uu shaaciyay in ciidamada militeriga ay TPLF dib uga qabsadeen magaalooyin muhiim ah.

Abiy oo ka hadlayay jiidda hore ee dagaalka wuxuu sheegay in dagaalyahanada fallaagada TPLF ay la kulmeen khasaare xilli ciidamada dowladda ay kala wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku labisan tuutaha militeriga wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahanada TPLF ay isa soo dhaween xilli ay ciidamadiisa si wadaan howlgalka lagu qabsanayo dhul badan.

Balse TPLF waxay dhankeeda sheegtay in istaraatiijiyad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinkaas.

Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabre Mikael, uu sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.

Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.

Hoggaamiyaha wuxuu sheegay ciidamada fallagada iney ciidamada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonan ayna gulo wax ku ool ah ka soo hoyin doonaan.

LEAVE A REPLY